Sheeko Dad Badan ka Yaabisay oo Sweden si wayn looga Hadal Hayo...

Sheeko Dad Badan ka Yaabisay oo Sweden si wayn looga Hadal Hayo taa oo ku sabsan Nin Sawir lala fajacay u diray haweeney ka tirsan Baarlamanka Sweden

0
SHARE

Jariidada thelocalsweden ee ka soo baxda dalka Sweden ayaa qortay dhacdo yaab leh oo aheyd haweeney ka tirsan Baarlamaanka Sweden oo boggeeda facenook loogu diray sawir xubinta Taranka ragga ah.

Booliska oo soo qabtay Ninkii iska lahaa sawirkan ayaa qirtay inuu yahay qofka iska leh sawirkaasi hase yeeshee waxaa uu meesha ka saaray inuu u diray haweeneydaasi ka tirsan baarlamanka.

Maxkamada ku taalla Nyköping oo dacwada dhageysatay ayaanan ku qancin ninkaasi waxa uu la yimid waxayna ku heshay inuu geystay weerar anshax xumo ah.

Maxkamada ayaa ku xukuntay inuu iibsado xabsi 80 maalin oo ganaax ah isla markaana uu bixiyo lacag magdhow ah oo gaareysa 5,000 kronor taasoo la siinayo haweeneyda ka tirsan baarlamaanka ee uu ku xad gudbay.

Sheekadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Sweden, waxayna dadku isweydiinayaan sababta ninkaas ku kaliftay inuu sawirka xubintiisa taranka u diro xildhibaanad Qaran

LEAVE A REPLY