War-bixin:- Balanqaadyadii Guuldaraystay Ee Madaxweyne Farmaajo

War-bixin:- Balanqaadyadii Guuldaraystay Ee Madaxweyne Farmaajo

0
SHARE

8-Bishii Feb-2017 Doorasho ka Dhacday Muqdisho oo ay Codeeyeen 328 xildhibaan oo iskugu jiray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa Madaxweyne Loo Doortay Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), oo ka mid ahaa 21-Musharax oo utartamay Hogaanka qaranka.

Ugu danbeyntii Gudoonka Baarlaamanka ayaa ku Dhawaaqay in Madaxweynaha dalka uu ku guulaystay Farmaajo oo Markaasi lagu Tuhmayaan in uu Wax ka badali karo Xaalada Carkiran ee Soomaaliya ay ku Jirtay ilaa 1991 oo uu Bur-buray Xukunkii Militariga.

Madaxweyne Farmaajo oo hada dhamaytay sanadkii Koobaad ee Xil heyntiisa ayaa markii uu u tartamayey Kursiga,waxaa uu balan-qaaday in 100-maalmood gudahood uu isbadal Muuqda ku sameyn doon dhinacayada, Amniga,dhaqaalaha,musuq-maasuqa dalka ka jira iyo Cadaalada darada, balanqaadkaas oo ahaa mid rajo weyn galiyey bulshada, waxaana loo arkayey in uu ka dhabeyb doono hasa yeeshee sida ay wax u dhacayaan waa “kaaf iyo kala Dheere”

Marka la fiiriyo aminaada dadka ee hab Maamulka Farmaajo, waa Madaxweynihii ugu taageero badnaa dal iyo dibada ee Soomaaliya Xilka qabta burburkii ka dib,laakiin tilaabooyinka uu qaaday  Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhigan in uu gunta ka jaray Kalsoonidii qeybaha Bulshada, marka mid mid loo dul istaago guuldarooyinka la dagay Qodobadii uu balanqaaday.

Amniga wadanka waxba iskama badalin Qaraxo iyo Dil qorshaysan baana dhacay Caasimada oo ay ku shaqeeyaan dhamaan Hay’adiha Dowladda,dadkuse wali waa adkaysanayaan oo waxaa ay isku qancinayaan in mar-un uu isbadalkii imaandoon,balse 27-kii Bishii August ayaa waxaa isbadalay Dareenka Bulshada iyo Kalsoonidii ay ku qabeen Dowladda uu Hogaamiyo Farmaajo, oo waxaa la Xaqiijiyey in madaxda Dowladda ay Itoobiya u gacan galiyeen Gen.C/Kariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) Fartuna waxay ay ku gudan tahay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Farmaajo ,oo marna aan ka hadlin muwaadinka la dhiibay, halkaasna waxaa ka Furmay Albaabka Guuldarada Siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo.

Sida ay Sheegeen Ehelada inta Qalbi-Dhagax, asagoo Xirxiran aan diyaarad Qaas ah looga qaadin Muqdisho waxa uu saacado badan la joogay Madaxweyne Farmaajo taasi oo Xoojisay shakiga galay Umadda Soomaaliyeed, waxaana Dowladdu ay diiday inay dhacaan Dibad baxyo looga soo horjeedo Go’aankeeda.

Afhayeenka Jamhada ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa qaba in Madaxweyne Farmaajo oo uu Weheliyo Ra’iisulwasaare kheyre uu yahay maskaxdii dhiibtay C/kariin,Waxaana Muuqata in la jabiyey Sharacigii Madaxweynuhu ku dhaartay in uu dalka ku Maamuli doono.              

                                                               Guuldarada Amniga iyo Balanqaadkii Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Baarlamaanka ka hor sheegay Barnaamij uu ugu Magacday nabad iyo nool, kaas qodobka koobaad uu ahaa Amniga, waxaana uu balan-qaaday in mudo gaaban uu ku xasilinayo dalka,wada-hadalna uu la Furayo Al-shabaab, hadii la waayana asaga iyo Xubnaha Dowladiisa ay ciidamada la dagaal gali doonaan, hadlaasise goobtii uu ka yiri ma dhaafin

                                      Dhibaatooyinkii uga sameeynta Badnaa

Inta uu xilka hayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi farmaajo waxaa dhacay dhacdooyin Xanuun badan oo lama ilaawaan ku noday Shacabka,oo uu ka mid yahay Qaraxii ugu dhimshada badanaa Taariikhada Soomaaliya oo 14-October ka dhacay Isgooska Zoobe,kaasi oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen ku dhawaad Kun-ruux.Weerarkii Hotel Naasa-hablood 2 oo ay ku dhinteen dad gaaraya 30-Ruux oo siyaasiyiin caan ah ay ku jireen, tiro intaas ka badan waxay ku dhinteen Weeraro ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir,Saldhiga Waabari iyo Pizza house.

Waxaa jirta Howl gudasho la’aan iyo Mas’uuliyad daro Dhanka Amniga ah, oo sababtay in Magaalada Muqdisho la soo galiyo gaarigii loo adeegsaday Weerarkii Zoobe,Sida uu qabo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale (Xaaf)

           Weerarada Xeryaha Ciidamada iyo dagaaladii Dhexmaray Ciidamada Dowladda.

Dhinaca Ciidamada Madaxweyne Farmaajo waxa uu balan-qaaday in uu midayn doono Ciidamada, uuna tayeyn doono Sirdoonka si looga hortago falalka Amni daro, waxaa uuna ku ceceliyey in Dowladiisa ay Mag siin doonto ehelada dadka ku dhinta qaraxyada iyo kuwa ku hanta beela.

Ilaa iyo haatanse lama arkin dowladda oo mag ka bixisay wixii Dhibaatooyin naf iyo maal galaaftay ka dhacay Muqdisho halkaasi sida muuqatay guuldaro ayaa ku jirtaa.

                                                     Balanqaadkii dhanka Ciidamada

26-Jul, 2017 Israsaasayn Ciidamo kawada tirsan Dowladda ku dhexmartay meel u dhow madaxtooyada waxaa ku dhintay Taliye ku Xigeenkii hore ee nabad sugida Gobolka Banaadir Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jijiile),dilkaas Xiisad ka dhalatay waxaa laga dareemay Muqdisho.

May 2017 Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Cabaas Cabdulaahi oo lagu toogtay Meel aan sidaas uga Fogeyn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Sanadka uu Xilka hayo Farmaajo Weeraro Qasaaro dhaliyey ayaa lagu qaaday Saldhigyo Ciidan,oo uu ka mid yahay Weerar ay ku dhinteen 26 Askari  oo Bishii September-2017-kii, ka dhacay Deegaanka Buulo Gaduud Gobalka Jubada Hoose,sidoo kale ugu yaraan 18-Askari ayaa ku dhimatay Weerar 29-September,ka dhacay Deegaanka Bariire Gobalka Shabeelaha hoose halka gaadiid Dagaalna lagu qabsaday sida uu xaqiijiyey, Taliyaha Ciidankan la Weeraray General Sheegow Axmed Cali.

  June, 2017 in ka badan 35-Askari ayaa ku dhimatay Weerar ka dhacay Saldhiga Ciidan oo ku yaala Deegaanka Af-urur ee Gobalka Bari, sidoo kalena December, 2017, 17 askari ayaa  lagu dilay Weerar lagu qaaday Dugsiga tababarka ee Jeneraal Kaahiye,si la mid ah Saraakiil ayaa dhimatay Qarax ka dhacay Xarunta warashadii Nacanaca ee Magalada Muqdisho.

intaas oo weerar iyo ka badan hadii  ay ka dhaceen Saldhigyada Ciidamada, waxaa muuqata in Madaxweyne Farmaajo oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida uu ku Fashilmay balan-qaadkiisii ahaa tayeynta sirdoonka oo ah hay’ada  fududeyn karta in dhacdooyinkaas laga hortago.

                                        Safarrada Farmaajo iyo balan qaadkiisii hore

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan fool Xun waxaa uu ku micneeyey,safarrada tirada badan ee dalalka Shisheeyey ay ku tagaan Madaxda Dowladda,kuwaas oo dhaqaale badan uu ku baxo, qodobkaas oo ay Madaxa u ruxeen Xildhibaanadii dhageysanayey khudbadiisa.

Mudo gaaban ka dib Farmaajo waxaa uu galay 20-safar, oo dhamaantood uu raacay diyaarado qaas ah, asaga oo tagay Wadamada, Sucuudiga,Kenya,Jordan,Imaaraadka,Turkey,Ethiopia,Jabuuti,Masar iyo UK, Waxaana Muuqata in uu baalmaray balanqaadkiisii yareynta Safarrada.

                                   Guuldarooyinka dhanka Siyaasada Farmaajo

Dhamaadkii  2017-kii waxaa habeen Saq-dhexe Weerar lagu qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame halkaasna waxaa lagu dilay 5-ka mid ah Shaqaalaha gurigiisa,Mas’uuliyada Weerarkaas waxaa la Sheegay inay la haayeen Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisulwasaare Kheyre iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan, sida uu Xaqiijiyey C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in lagu qaarajinayey.

Weerarka C/raxmaan C/shakuur waxaa uu sababay inay dibada u soo baxdo guuldaro Siyaasadeed oo ah, in awooda iyo talada dalka ay isku Koobaan Shaqsiyaad gaar ah,

Waxaana bilaabatay kalsooni daro gashay Xildhibaanadii soo doortay Madaxweyne Farmaajo, sida uu sheegay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Tilmaamay in Farmaajo uu ka soo bixi waayey balan-qaadkiisii,  daganaasho la’aan siyaasadeedna waxaa ay gaartay heerkii ugu sareeyey.

       Fargalinta Shisheeyaha ee Soomaaliya

Loolankii Doorashada Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in fargalin Shisheeye oo hortagan geedi socodka siyaasadeed iyo mid amni ay ka jirto Soomaaliya, Asagoo balanqaaday in wax ka qaban doono. Qodonkaas waa uu guuldaraystay oo Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Gobaleedyad waxa ay laka safteen Dowladdaha Carabta oo Khilaaf ka Dhexeeyo.

Saameynta Shisheeyaha intaas kuma Koobna oo kaliya 30-Dec 2017, waxaa la Weeraray guriga Gudoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka Soomaaliya Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Weerarkaasi Gen.qeybdiid waxaa uu sheegay inay soo abaabuleen Saraakiil Ajanabi ah, oo ujeedkoodu ahaa inay qaarajiyaan ayaga oo Adeegsanaya Ciidanka Dowladda.Isweydiid maxaa sababay in Dowladda Shisheeye ay Shir qool ka Fuliso Gudaha Soomaaliya”?

Mar hadii Madaxweyne Farmaajo uu gabay in uu ka dhabeeyo balan qaadkiisa Fargalinta, oo saraakiil Shisheeye ay isku dayeen inay dilaan Xubin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaa  Farmaajo la gudboon in uu ka dago Xilka Sida uu qabo Senetor Xussen Sheekh Maxamuud

                                                       Balan qaadkii Xiritaanka Wadooyinka

Madxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa uu balan qaaday in aan la Xiri doonin Wadooyinka Muqdisho,waxaa uuna Qalad ku tilmaamay in Shacabka Ciriiri lagaliyo, laakiin marar badan Dowladdiisa waxaa ay xirtay Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho

sidoo kalena Xoog ayey ku hor istaagtay dibad bax nabdeed oo dadka Reer Muqdisho ay ku muujin la haayeen Dareenkooda, tilaabadaas oo ka hor imaanaysa Dimuquraadiyada iyo Xorayada hadalka.

Dowladda Farmaajo waxaa ay fargalin ku sameysay, howlaha Golaha Shacabka,waxaana ay wadooyinka ka  Xirtay Xildhibaano waajibaadkooda dastuuriga ah gudanaya, si meesha looga saaro in sharci-dajiyaashu ay ka doodaan Ajandayaal loo arko inay ka hor imanayaan danaha shaqsiyaad Dowladdiisa ka tirsan,sida kiiskii Qalbidhagax.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu balan qaaday horumarinta nidaamka Federaalka oo hoos loo daadajiyo , waxaana la filayaa in uu ka duwanaado dowladii ka horeysay oo dhistay Maamul Gobaleeyada.

“Taasi waxa ay noqotay qowda maqashii waxna ha u qaban” Madaxweyne Farmaajo waxaa Xilka qadaaay Gudoomiyihii Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo qaban qaabiyey kulamo shacabka Gobalka ay Aayahooda uga tashanayaan, maadaama ay Xaquuq dastuuri ah ay u leeyihiin inay helaan Maamul iyo  matalaad siyaasadeed oo ay ku yeeshaan Aqalka Sare oo ah,Wakiilada Dowlad Gobaleeyada.

      Abaabulka Mooshin ka dhan ah Madaxweynayaasha Maamul Gobaleeyada.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxaa ay ku eedeysan tahay inay Abaabushay Xiisad gilgishay Maamulada Hirshabeelle,Galmudug iyo Koofur Galbeed, ayada adeegsanaysa Xildhibaanada heer Maamul, sida uu Sheegay Cali Cabdulaahi Cosoble oo cadeeyey Madaxtooyada Soomaaliya ay lacag ku Afganbisay Maamulkiisi.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu Xusay in Dowladda Farmaajo ay isku dayday in xilka laga tuuro ay Abaabushay Mooshin dhaqaale ay ku bixisay iyo in Xariyaad la saaray xili uu safar cirka ah ku jiray Cod

Dowladda Madaxweyne Farmaajo waxaa ay indhaha ka qarsatay Shacabka ay matasho oo Dowladaha Maraykanka iyo Kenya ay si ula kac ah  duqeymo ugu laayeen,sida ku cad baaritaan la Sameeyey Sanadkii tagay, 50-Ruux oo Shacab ah ayaa lagu dilay Weeraro mid ka mid ah laga Fuliyey  Deegaanka Bariire Gobalka Shabeelaha Hoose.

           Qarinta Safarrad xad-dhaafka ah iyo Bur-burinta Golaha Maamulada

Madaxweyne Farmaajo oo iska leexinaya dhaliilaha uga imaanayey Balanqaadyadiisi guuldaraystay ayaa isku dayey inuu daboolo Safaradiisa xaddhaafka ah,waxaa uuna Dhowr Shir uu u diray Ra’iisulwasaare Kheyre si loogu Fahmo in uu awood dheeraad ah siiyey Wasiirka Koobaad ee Dowladdisa,dadkase la socda Siyaasadiisa kama qarsoona Safaradda uu u raacay Diyaaradaha Qaaska ah.

Dhaqdhaqaaqa kale ee uu sameeyey Farmaajo waxaa ka mid ah Socdaal uu ku tagay deegaanada Puntland iyo Galmudug, kaasi ujeedkiisu ahaa guud Salaax siyaasadeed oo uu uga goleeyahay in uu ku dhex milmo Hogaamiyaasha Maamul Goabeelyada,si meesha looga saaro Golaha Iskaashiga oo ay Midoobeen Madaxweynayaasha Maamulada.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu 8-Bishaan uu u dabaal dagayaa sanad guuradiisi koobaad, Asaga diyaarsadey hadlo qurxoon oo sharaxa wax un guulo ah oo uugaaray.laakiin liiska waxaa uu ka saari doonaan wixii howlo ahaa oo uu ku  Fashilmay.

halkaan kuma Koobna dhamaan guuldarooyinka siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo, Laakiin taariikhda ayaa ka daba qoraysa…….

W/Q Cawil Maxamed Ciise (Indhacade)

Hobyomedia Xafiiska Muqdisho 

LEAVE A REPLY