XOG CUSUB: Shabaab oo Weerar Qaraxyo ah u diyaariyay Goobo Muhiim ah...

XOG CUSUB: Shabaab oo Weerar Qaraxyo ah u diyaariyay Goobo Muhiim ah oo ku Yaa Muqdisho

0
SHARE

Xog la helay ayaa sheegaya in Ururka Al-Shabaab ay qorsheynayaan iney weerar Qaraxyo ah kuq aadaan xarunta ugu sareysa Taliska AMISOM ee Xalane.

Warkaan ayaa leysla dhexmarayaa xarunta Xalane,sida ay nala wadaageen Saraakiil ciidan SOomaali ah oo ka shaqeeya xaruntaasi.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku shaqada leh amaanka xarunta Xalane ayaa heegan la geliyay iyadoo baraha kontarol ee laga galo si weyn amaankooda loo adkeeyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa horay weeraro uga fuliyay xaruntaasi,kuwaasi oo ay ku beegsanayeen fariisimaha Ciidamada AMISOM ee ku yaalo xarunta Xalane iyo agagaarkeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ururka Al-Shabaab ay sii laba jibaareen weerarada ay ka fuliyaan Muqdisho ee isugu jira dilalka iyo Qaraxyada.

LEAVE A REPLY