XOG: Mareynkanka oo ka digay in laga dhabeeyo Qorshe QM ansixisay oo...

XOG: Mareynkanka oo ka digay in laga dhabeeyo Qorshe QM ansixisay oo halis ku ah Somalia(Aqri)

0
SHARE

areynkanka ayaa si adag uga soo horjeestay go’aan Qaramada Midoobay uu ku ansixiyay in Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Africa ee AMISOM laga saaro Soomaaliya,amnigana lagu wareejiyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Mareynkanka oo ka hor yimid go’aanka ayaa aaminsan inaan la gaarin waqtigii Ciidamada AMISOM amniga ku keli yeeli lahaayeen Ciidamada Dowladda,maadama cabsida Kooxaha argagxisada wali jirto.

Wasaaradda Arrimaha dibada Mareynkanka ayaa ka digtay iney Arrintaan sii kordhiso kooxaha argagixisada ee Gobolka,gaar ahaan Al-Shabaab oo hadda kordhiyay tirade weerada Qaraxyada ah ay geysanayaan magaalooyinka sida caasimadda Soomaaliya Muqdisho,waxaana tusaalo loo soo qaatay weerarkii 14kii October ee sanadkii tagay 2017dii shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iansixiyay in bixitaanka 1.000 askari oo ka tirsan Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya sanadka soo socda.

Ciidamo ka kala socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya and Uganda ayaa hadda ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo la dagaamaya Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY