XOG: Shabaab oo ka war helay Qorshaha Mukhtaar Roobow oo Difaac muhiim...

XOG: Shabaab oo ka war helay Qorshaha Mukhtaar Roobow oo Difaac muhiim ka galay Baay & Bakool

0
SHARE

Ururk Al-Shabaab oo sheeda kala socda dhaq dhaqaaqa Mukhtaar Roobow uu ka wado Gobolada Baay iyo Bakool ayaa iyagana dhankooda waxay wadaan qorshihii kaga hortagi lahaayeen danaha Mukhtaar Roobow iyo Dowladda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay iney xoojiyeen Ciidamadooda ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool,halkaasi oo la geeyay Ciidamada Ugu badnaa ee Al-Shabaab.

Muktaar Roobow oo wada hadal kula jira Dowladda ayaa hadda damacsan inuu sameysato Ciidamo ka madax banaan Dowladda,kuwaasi oo la dagaalama Al-Shabaab,Ciidamada Mukktaar Roobow ayaa saanad Militari iyo mid dhaqaale ka helaya Dowladda Soomaaliya.

Ku dhawaad 3,000-Askari ayaa loo diyaariyay Mukhtaar Roobow kuwaasi oo qeyb ka ah Ciidamo daacad u ah Mukhtaar Roobow kuwaasi oo kuwaasi oo ku sugan deegaanka Abal.

Ururka Al-Shabaab ayaa culeys dhanka Militariga ah ka soo fuulay dhanka Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

LEAVE A REPLY