Akhriso-Gudoomiyaha Camaara oo Beeniyey In Xilka Laga Qaaday,

Akhriso-Gudoomiyaha Camaara oo Beeniyey In Xilka Laga Qaaday,

0
SHARE

Gudoomiyaha Degaanka Camaara Ee koofurta Gobolka Mudug Sheikh Yusuf Salaad Muxumud ayaa beeniyey hadal dhawaan ka soo yeeray mid ka mid ah Golaha degaanka camaara kaas oo ahaa in Gudoomiye Sheikh Yusuf Salaad Muxumud Xil ka qaadis ay ku sameeyeen golaha Degaanka Degmada Camaara ee Gobolka.

Gudoomiye Sheikh Yusuf Salaad Muxumud ayaa sheegey in Ninka Hadalkaan sheegey uu xilkiisa iska casilay muddo laga joogo saddex todobaad ah ka hor isla markaana uusan garan karin sababta ku kaliftay in uu hadalkaan sheego isagoon xil u hayn dadka degaanka.

Gudoomiyaha oo wax laga weydiiyey in uu jiro khilaaf kala dhexeeya golaha degaanka ayaa xusey inaysan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay isaga iyo Golihiisa degaanka tan iyi markii uu xilka qabtay waxaana uu intaas raaciyey in wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhaxayso Gudoomiyaha, Golaha Degaaanka,iyo odoyaasha dhaqanka degaanka camaraa isla markaan ay isla gorfeeyaan wax kasta oo ay ku dhaqaaqayaan.

Sheikh Yusuf Salaad Muxumud oo hadalkiisa sii wada ayaa tibaaxay in aan hadda degaanka aysan ka soco wax dhaq dhaqaaq ah oo la xariira dhismaha maamul cusub waxaana uu intaasi ku daray in degaanka ay ka soconayaan horumaro balaaran oo ay iska kaashanayaan maamulka iyo dadka degaanka oo u heelan inay gacmahooda wax ku qabsadaan.

Ugu Dambeytii Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in laga gacan siiyo qalabayta iyo dhamaystirka isbitaalka weyn oo ay ka hirgaliyeen degaanka kaas oo dadka degaanka ay gacmohooda ku dhisteen.

 

LEAVE A REPLY