AKHRISO:-Madaxweynihii hore ee galmudug oo warbixin Xasaasi ah ka qoray Heshiikha Dakadda Barbara

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka galmudug cabdi kariin xuseen guuleed ayaa warbixin xasaasi ah ka qoray heshiiska dakadda barbara.

C/kariin Xuseen ayaa qoraalkiis ku bilaabay Waxaa wax laga xumaado ah in xasaradda ka dhalatay heshiiskii Barbera ay damqisay dhaawacyadii iyo boogahii uurkutaalada lahaa ee Somaliland kala dhaxeeyay Soomaali inteeda kale, ayadoo ay jirtay in sanooyinkii la soo dhaafay ay maamuladii ka horeeyay kuwa haatan jira ee dowladda faderaalka iyo Somalilandba dadaal dheer ay u galeen sidii boogahaal iyo dhaawacyadaas loo dhayi lahaa loona buskeyn lahaa, meeshana looga saari lahaa wax kasta oo dadka sii kala fogeyn kara.

Haddaba waxaa mas,uuliinta dowladda faderaalka iyo dowladda Somalilandba la gudboon inay xil weyn iska saaraan dajinta xaaladda kacsan ee haatan jirta iyo inay arinka ku soo celiyaan sidii dabiiciga aheyd, ayadoo si deg deg ahna loogu hawlgalayo soo celinta wadahaladii tooska ahaa ee kuwii aan tooska aheynba ee u dhaxeyn jiray labada dhinac, arimaha heshiiska Barberana lagu xaliyo wadahal iyo isfaham ku dhisan salkana ku haya arimaha soo socda:

Lagama maarmaanimada in deegaanada reer Somaliland ay helaan xaqa ay u leeyihiin horumarinta iyo maalgashiga kheyraadkooda.

Dhowridda dareenka dadka iyo ka fogaashaha waxii dadka walaalaha ah sii kala fogeyn kara, ayadoo had iyo jeer mas,uuliinta labada dhinac looga baahan yahay inay hadaladooda si taxadar iyo ka fiirsi leh u yiraahdaan.

Mas,uuliinta dowladda fadaraal ah waxaa si gaar ah looga doonayaa inay mar kasta hadaladooda iyo ficiladooda ku aadan Somaliland ay noqdaan kuwo beeraya kalsooni, isku soo dhawaasho iyo dhayidda dhaawacyadii jiray.

Tixgalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka, taas oo ku imaaneysa wadahal, isqancin loo marayo wadahal iyo wadaxaajood ay ku dheehan tahay isku tanaasul iyo wax isku hanbeyn.

Gabagabadii madaxweyne Muuse Biixi oo ah oday Soomaaliyeed waxaan si gaar ah ugu soo jeedin lahaa in dowr uu ka qaato isku soo dhaweynta labada dhinac ee walaalaha ah ee aan hubo siyaasadda siday rabtaba ha noqotee inay jiraan waxyaabo badan oo aysan ku kala tagi karin oo ay wadaagaan.

W/Q: C/kariin Xuseen Guuleed

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Xog Khilaafka Madaxda Galmudug oo cirka isku shareeray Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlmanka oo Cadaado ku Wajahan (Warbixin)
- May 26, 2018
Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray halkii ugu sareeyey, waxaana fashilmay wadahadaladii uga socday magaalada ...
Daryanka Hubka oo laga Maqlayo Tukaraq iyadoo Wafuud ka socota Beesha Caalamka ay kusii jeedo
- May 26, 2018
Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas ...
Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Jira Wadatashiyadii Uu Ku Soo Magacaabi Lahaa Golihiisa Wasiirada
- May 26, 2018
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ee ...
(Dhagayso) Dood Kulul oo Ku saabsan Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna
- May 26, 2018
Doodaan ayaa waxa ay kusaabsantahay qilaaf Dib uga dhex abuurmay Maamulka Galmudug Gaar ahaan ...
Daawo Sawirada Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano la socday oo Dib ugu Soo Laabaty Dhuusamareeb
- May 26, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaalle Geelle Xaaf iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada ...
Xog la yaab Leh Shirkada Facebook oo Macaamiisha isticmaasha ka Dalbatay in ay la Wadaagan Sawiradooda oo Qaawan Maxay tahay Sababtu?
- May 26, 2018
Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa dadka waydiisanaysa sawirro ay qaawan yihiin, ...
Faransiiska oo Xir Xiray Basaasiin looga Shakiyay in ay la Shaqeynayeen Shiinaha
- May 26, 2018
Dawladda Faransiiska ayaa xabsiga dhigtay labo qof oo ka tirsanaan jiray laammaha sirdoonka ee ...
Madaxweyne Farmaajo ” waan awoodi weynay Joojinta dagaalka Tukeraq
- May 26, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta oo Jimco ah ka hadlay Masaajid ku ...
Wasaaradda Amniga oo War-Cad kasoo saartay Shilkii dhex maray Ciidamada NISA & Xildhibaan C/llaahi M. Nuur (Aqri)
- May 25, 2018
Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa War-cad kasoo saartay dhacdadii uu ku lug lahaa xildhibaan ...
Daawo Sawirada Qarax lagu weeraray Maqaayad ku taalla Magaalada Ontario ee dalka Canada
- May 25, 2018
Booliska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla ...
DAAWO MUQAALKA Lataliyihii Cali Khaliif oo Sir Badan Fashiliyey, Kana Hadlay Dagaalka Tukaraq isago yiri ,”Faysal Waraabe Shaqaale ayuu Ahaa Majeerteen Yuu Habaarin”
- May 25, 2018
Lataliyihii hore ee arrimaha bulshada iyo amniga madaxweynihii Khaatumo siyaasi Cali Cilmi Warsame (Cali ...
DAAWO-Hubkii iyo Gaadiidkii DAGAALKII TUKARAQ Laga Furtay Soomaaliland OO LA SOO BANDHIGAY
- May 25, 2018
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu hadda ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in gudiga ...
Qarax Lagu Hoobtay oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Benghazi., ,Wararkii u Danbeyay
- May 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa ...
Nin ka mid aha Raga ugu Sar sareya Ajaanibta la jooga Al-shabaab oo isdilay Maxay tahay Sababtu?
- May 25, 2018
Meeydka muwaadin Kenyan ah oo u dagaalamayay Al-shabaab ayaa laga helay kaam ku yaala ...
Dhageyso:-Galmudug Iyo Hir-Shabeelle Oo Ciidamo Kala Dhex Dhigay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Hiiraan
- May 25, 2018
Deegaanka Banyaaleey ee Gobolka hiiraan ayaa dhowr mar waxa ku wada dagaalamay laba maleeshiyo ...
>
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements