Akhriso Tirada ahlusuna ay ku Darsatay Barlmanka Galmudug iyo Shaqadii horey ay...

Akhriso Tirada ahlusuna ay ku Darsatay Barlmanka Galmudug iyo Shaqadii horey ay Qaban Jireen inti ay ahlusuna ku jireen

0
SHARE

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dhawaan lagu biiriyay 89-Xildhibaan oo kasoo galay Kooxda Ahlu Sunna uu hogaaminayay Sheekh Maxamed Shaakir oo hada Madaxa Xukuumada Galmudug.

Xildhibaanadan cusub ee lagu biiriyay Baarlamaanka Galmudug ayaa u badan xertii Sheekh Shaakir, waxaana ku jira dhalinyaro badan oo si aad ah ugu dhawaa Hogaamiihii hore ee maamulka Ahlu Sunna.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanadan lagu biiriyay maamulka Galmudug kana soo galay dhinaca Ahlu Sunna ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Beesha Sheekh Shaakir, waxaa sidoo kale ku jira xubno wadaadkan si qaraabo ula ah balse kasoo jeeda beelo kale.

Dad badan ayaa aaminsan in Xildhibaanada lagu biiriyay Baarlamaanka Galmudug aan loo marin nidaam sax ah oo lamid ah qaabkii loo dhisay Baarlamaankii hore Galmudug, waxaana Xildhibaanadan cusub yihiin koox si gaar ah uu u keensaday Sheekh Shaakir.

Baarlanaanka Galmudug ayaa noqday kan ugu badan Maamul goboleedyada dalka, waxaana la iseeediinayaa halka Xildhibaanadan ku dhaw 200-Xildhibaan Mushaar looga keeni doono, iyadoo xusid mudan tahay in Xildhibaanadii hore bilo badan aysan Mushaar qaadan.

LEAVE A REPLY