Al-Shabaab oo Sheegatay in 80 askari ay ku dishay Weerarkii Afgooye.

Al-Shabaab oo Sheegatay in 80 askari ay ku dishay Weerarkii Afgooye.

0
SHARE

War kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegeen in Weerarkii ismiidaaminta loo adeegsaday ee Barqonimadii Maanta ka dhacay Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye ay ku dileen 80 qof oo isugu jirto Askar iyo Saraakiil.

Afar qof ayay sheegeen in ay kamid ahaayeen Macalimiin Ajaaniib ah kana soo kala jeeda Wadamada Koofur Afrika iyo Imaaraatka Carabta.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Xarakada Al-Shabaab in qarax kale ay la eegteen Gaari nuuca Soomaalida u taqaan Cabdi bilaha oo ay sheegeen in uu waday askar ku dhaawacantay Weerarkii Ismiidaamin ahaa.

Waxa ay intaa ku dareen in Xerada guud ahaan uu gubay qaraxa, gawaari nuuca dagaalka ah oo ay lahaayeen Ciidamada Saldhigga lagu diyaarinayay Ciidamadaasi.

Qorshaha ay u weerareen Xerada waxa ay Al-Shabaab ku sheegeen in ay kahor tagayeen in ay u gurmadaan Ciidamadii kula dagaalamay Degmada Balcad.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo Mustaqbal la xiriirtay ayaa sheegay in ay jiraan Khasaare dhimasho iyo Dhaawac Ciidamada soo gaaray, balse aanan badneen, waloow aysan sheegin tirada askarta waxyeeladu gaartay.

Degmada Afgooye ayaa Caawa u muuqa mid bandow ah Maadaama aanan ka jirin Dhaq-dhaqaaqyada Goobaha Ganacsiga, Gaadiidkii Magaalada galayay oo istaagay iyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu dhex arkayo Xaafadaha Degmadaasi.

Waxaa adag in la helo Khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii ismiidaaminta loo adeegsaday ee ka dhacay Degmada Afgooye, Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa sheeganaya in Lambaro kala duwan oo ah dadka waxyeeladu gaartay.

LEAVE A REPLY