Alexandre Bissonette oo qirtay inuu Masjid ku laayey Muslimiin salaad ku jiray...

Alexandre Bissonette oo qirtay inuu Masjid ku laayey Muslimiin salaad ku jiray (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Nin reer Canada ah oo lagu eedeeyay in uu dilay lix ruux oo Muslimiin ah oo ku cibaadaysanayay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Canada sannadkii 2017kii ayaa qirtay dhamaan dacwadihii loo haystay, inkastoo uu markii hore diidanaa dambiyadaas.

Alexandre Bissonnette oo 28 jir ah ayaa wajahayay 6 dambi oo dil ah iyo lix dambi oo isku day dil ah.

Ninkan oo arday jaamacadeed oo hore ahaa ayaa qirtay dambiga, taasoo meesha ka saaraysa in dacwaddiisu ay sii jiitanto.

Bishii Janaayo markii ay 29 ahayd ayuu weerar ku qaaday xarunta Quebec Islamic Cultural Centre wuxuuna rasaas ku furay jameecadii masaajidka ku tukanaysay.

“Wajigabax ayaan dareemayaa wixii aan sameeyay awgeed,” ayuu ka yiri maxkamadda Quebec. “Argagixiso ma ihi, mana ihi nin Islaam nacayb biyo dhigtay”.

Bissonnette ayaa Isniintii diiday in uu qirto dambigaas, saddexda Abriilna waxaa billaaban lahayd xulista guurti arrintiisa ka fariisata.

Garsoore ayaase amray in xaaladdiisa caafimaad la soo qiimeeyo ka hor inta aan la diiwaan galinin ka laabashadiisa.

Sylvain Faucher oo arrimaha maskaxda ku takhasusay ayaa Arbacadii maxkamadda u sheegay in uu la kulmay Bissonnette uuna rumaysan yahay in uu maskaxdiisa u badalay in uu murugo dareemay uuna doonayo in qoysaskii ay dadku ka dhinteen aysan “xannuun kale dareemin”.

LEAVE A REPLY