Barlamaanka Soomaliya laba garab iyo labo Ajende!

Barlamaanka Soomaliya laba garab iyo labo Ajende!

0
SHARE

Mooshin ama soo jeedin waxaa keena xubnaha Baarlamaanka, ma aha wax cusub oo dhegaha dadka Soomaaliyeed.

14; kii bishaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ayaa qabtay Mooshinka ka dhanka Gudoomiyaha golaha shacab mudane Jawaari.

Muudey; oo hadlay waxa uu sheegay in yahay kuna socdo sharci , sidaa awgeed uu la wareegay howlaha shaqo ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka, sida dastuurka uu dhiganayo marka mooshin laga gudbiyo uu xilka hayno ku xigeenka illaa uu meel u dhaco.

Gudoomiye Jawaari oo maalin kadib hadlay ayaa sheegay in mar haddii ay dhammaatay muddadadii loogu talagalay howlgalka mooshinku ay halkaas ku eg tahay siisocoshadiisa, waxa uu ku tilmaamay mid lagu cuuryaaminayo Howlaha iyo Awoodda Golaha Shacabka.

Kulamo aan dhammaad laheyn oo Xildhibaanda labada dhinac ku yeelanayeen Muqdisho ayaa wixii xiligaas ka dambeeyay Bilawday.

Dhanba dhanka kale ayuu farta ku fiiqayaa, waxaa billaabatay kala jiidashada xubnaha golaha shacabka ee marqaatiga aamusan ka noqday Mooshinka.

Golaha aqalka sare waxaa gaaray buuqa iyo yooyootanka xubnaha golaha shacabka ee ka dhashay Mooshinka, waxa ay arrintu cirka isku shareertay markii Jawaari uu si toos ah uu Xukuumadda dusha ugu saaray Mooshinka.

Waxa Shirarka Xildhibaanada soo jeedinta gudbiyay kasoo MuuqdayWasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya, kana tirsan golaha shacabka, waxayna taasi sameysay Waji ka duwan kii hore.

Golaha Aqalka sare ayaa dhankooda u xilsaaray guddi uu gudoomiye u yahay Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, inkastoo 29-kii bishaan ay iska casileen Guddigaas Xubno door muuqdo ku lahaa.

Waxa ay arrintu soo socotaba waxaa March 25-keeda Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka uu ku dhawaaqay in Mooshinka golaha la horgeyn doono Sabtida oo ku beegan 31-ka March.

Saacado kadib waxaa kahor yimid Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, isaga oo sheegay in go’aanka Gudoomiye Muudey  aan Guddiyada Joogtada, Habdhowrka iyo asiga qudhiisuba aanay u dhammeyn.

Cabdikariin Xaaji Buux Xoghayaha Baarlamaanka Federaalka oo hadlay 29-kii bishaan ayaa isna sheegay in kalfadhiga 3-aad, Fadhiisa 3-aad ee Sabtida looga hadli doono Xiisadaha ka dhashay Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Baladxaawo.

Waxaa jira Digniin iyo welwel  laga qabo dhibaatada ka dhalan karta Kulanka Baarlamaanka ee Sabtida, Maadaama Mudanayaasha ay ku kala ballansan yihiin Labo Ajende.

Dadka wax ka qora arrimaha Golaha shacabka iyo xeerka  ayaa qaba in uu kulanka u baaqan karo Muran, hadii uu qabsoomana ay dhici karto Gacan qaad ay isku sameeyaan Xildhibaanada.

Dhanka Bulshada rayidka waxa ay iyanna qabaan walaac, iyaga oo wada dadaal ku saabsan  sidii xal looga heli lahaa xiisadaha Muuqda ee ka dhan kara Fadhiga Baarlamanka uu ku ballansan yahay.

Diini Maxamed Diini Guddoomiyaha Bulshada Rayidka ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA oo la hadlay Mustaqbal ayaa ku baaqay in xal loo raadiyo Khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka si aanay  horseedin  qal-qal Siyaasadeed.

Beesha Caalamka ayaa ka war sugeysa halka uu xaalka u ciirsado, waxa ayna ku koobmeen in ay labada dhinac u jeediyaan in Xaalka la dajiyo, lana dhowro Nidaamka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa la kulmay madaxda labada hay’adood ee golaha shacabka iyo Fulinta.

Haddaba aqriste sidee ayay ku la tahay in fadhiga golaha shacabka uu ku dhammaan doono, haddiiba uu qabsoomo?
Maxaase ka dhalan kara khilaafka u dhexeeya guddoonka golaha shacabka?

WQ: Bashiir Maxamuud

LEAVE A REPLY