Daawo-Howgal Ciidamada Xooga dalka ay ka sameyeen Gaalkacyo oo lagu soo qab...

Daawo-Howgal Ciidamada Xooga dalka ay ka sameyeen Gaalkacyo oo lagu soo qab qabtay dad muda la raadinayay

0
SHARE

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale rag la sheegay inay ka ganacsanayeen.

Cali Naasir oo kamid ah saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka ee qay21-aad ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan ay sameeyeen xalay saqdhexe, ayna soo qabteen maandooriye iyo rag bulshada ku dhex iibinayey.

Waxa uu tilmaamay Sarkaal Cali, in ragga ay qabteen ay ku wareejinayaan ciidamada ammaanka, isla markaana cid walba oo arrimaha ku howlan ay qaban doonaan.

Hoos Ka Daaawo Muqaalka

LEAVE A REPLY