Daawo Madaxweyne Xaaf Oo Maanta Shaqadiisii Ugu Horeysay Ka Bilaabay Dhuusamareeb

Daawo Madaxweyne Xaaf Oo Maanta Shaqadiisii Ugu Horeysay Ka Bilaabay Dhuusamareeb

0
SHARE

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehlinayay Madax xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxay kormeereen Xarumha Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb oo qaarkood uu dhismooyin ka socdo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray guriga martida iyo guriga gudoomiyahaasha baarlamaanka  ee Magaalada dhuusamareeb,waxana uu sheegay in uu yahay kormeerkan mid uu kula soconayo halka ay marayyaan dhismayaasha Xarumaha Maamulka.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in mashaariicdan oo si iskaa wax u qabso ah lagu dhisayo ay yihiin tusaale muujinaya cududa muuqata ee ay leeyihiin Reer galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Ganacsatada ka qeyb qaadaneysa dhismaha Xarumaha Maamulka ku amaanay doorka weyn oo ay ka qaadanayaan dhisida Mmulka Galmuudg.

LEAVE A REPLY