Daawo Sawirada Dhalinyarada Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo Barnamij muhiim si wada...

Daawo Sawirada Dhalinyarada Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo Barnamij muhiim si wada jir ah uga Bilaaabay Gaalkacyo

0
SHARE

HM__ Xafiiska Gaalkacyo :Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa lagu qabtay kulan Nadafadeed ay Siwada jira usameyeen Dhalinta Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland,Waxaana ka qeybqaatay dhalinyaro Tiradooda ay gaareyso ilaa 200 oo Dhalinyaro ah kuwaas oo ka kala socday Waqooyiga iyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo iyagoona Muujiyay in Magaalada ay tahay mid Nabada oo aysan Colaad kajirin.

Isdhexgalka ay Sameynayaan Dhalintaan Waxaa horkacaya 14 Gudi ah oo kakooban Dhalinyaro ka kala socda Waqooyiga iyo Koofurta Magaalada Gaalkacyo, Waxayna leeyihiin Gudoomiye, gudoomiye kuxigeen, iyo Xoghayn, Waxaana dhalintaan Garabtaagan oo isdhexgalka ka caaawinaya Maamulada degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland.

 Dhalinta Maanta Nadaafada wadajirka uqabanayay ayaa waxay Sheegeen in Gaalkacyo aan lakala lahayn ayna kajirto magaalada nabad buuxda iyo hormar wanaagsan waxayna sheegeen in door muhiim ah ay ka Qaadan Doonaan isdhexgalka, Nabadgalyada Degmada, iyo hormarka guud ee dedmada Gaalkacyo.

W/Q/ : Safio Shiekh Ali

Xafiiska Gaalkacyo

                                              Hoos ka Daawo Sawirada

LEAVE A REPLY