Daawo Sawirada Ra,iisul Wasaare Kheyre oo ka Soo Dhax Muuqday Shirkii Washington...

Daawo Sawirada Ra,iisul Wasaare Kheyre oo ka Soo Dhax Muuqday Shirkii Washington ee looga Hadlayay Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.

0
SHARE

Waxaa maanta Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ka furmay shirka (Forum Fragility 2018) oo looga hadlayo Maareynta Dhibaatooyinka ka dhasha Nabadgalyo xumida iyo Xasilooni darada.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyey Bankiga Adduunka (World Bank) ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dejinta siyaasad la xiriirta horumarinta Nabadgelyada,  si loo helo xal wax ku ool ah oo lagu kobcinayo nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Madaxa Bankiga Adduunka oo furay shirkan ayaa sheegay iney xoojinayaan taageerada la xiriirta sidii wax looga qaban lahaa iska horimaadyada iyo rabshadaha, si loo gaaro himilooyinka lagu dhameynao saboolnimada iyo kor u qaadida nolosha guud ee bulshooyinka.

Kulankan oo lagu casuumay madax ka tirsan caalamka iyo wakiilada heyaddo caalami ah ayaa waxaa Somalia uga uga qeyb galaya Raisul Wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali khayre iyo wafdi uu horkacayo.

Khayre ayaa shirkan caalamiga ah kaga jawaabay su’aalo la xiriiray talaabooyinka ay xukuumadiisu ka qaaday soo celinta xasiloonida dalka, la dagaalanka saboolnimada, musuqa iyo hagaajinta hanaanka maamulka dhaqaalaha dalka.

Kulankan oo socon doona illaa 7-da bishan ayaa si weyn looga falanqeynayaa qaabka ugu haboon ee loo yareyn karo dhibaatooyinka ka dhasha xasilooni darada ka jirta meelo badan oo ka mid ah caalamka

LEAVE A REPLY