Daawo Sawirro Qurux Badan Caleema Saarkii Gudoomiyaha Deganka afbarwaqo ee Gobalka Mudug...

Daawo Sawirro Qurux Badan Caleema Saarkii Gudoomiyaha Deganka afbarwaqo ee Gobalka Mudug iyo Madax Sar Sare oo ka Soo Qayb Galay

0
SHARE

Afbarwaaqo oo ah Deegaan In ka badan 180KM u jirta Mgaalada Gaalkacyo waana deegaan hadda ka soo kabanayo colaada saameyn ku yeshay dhismaha iyo jiritaanka Magaladasi kuwasi u dhaxeyay Beelo Halkaasi wada daga .

Wadad u dhaxeysa Gaalkacyo iyo afbarwaqo ayaa ah mid aad u bur bursan kaasi oo dhibaato weyn ay ku qabaan Gadiidka isticmaala waxaana sidoo kale musaafadasi intaasi la eg aan lagu arkeynin wax dad ah oo ku nool marka laga reebo deegaano yar yar maadmaa dhulka uu yahay mid abaar ah .shacabka xoola dhaqatadane ay gaareen deegaano ay is leyihiin waxaad ka heli karaaan biya aad nolosha ku qabtaan .

Magaalda ayaa markii aad gasho ugu horeyntii waxaa arkeysaa guryo fiiqan kuwasi oo islmarkiiba ku ogaaneyso in deegaankasi colaad ay ku soo lab laabtay madama guraha ay yihiin kuwa aan la dadin qaarkood qaxii kadib .

Deegaanka Afbarwaqo oo ah deegaan ka tirsan jariiban ayaa ah deegaan ay ku jiraan qeyraad badan balse shacabka Halkaasi ku nool sidii loogu tala Galay ma aysan ugu faaideysan sida ay ii sheegen dadkii waaya jooga u ahaa marxladaha ay soo martay afbarwaqo.

Adeegyada asaasiga sida waxbarshada Caafimad ayaa ah kuwa aad u yar iyadoona dhacdooyinka xanuunka ah ay tahay hooyada foosha qabta in Gaalkacyo oo 180 km u jirta loo soo qaado haba ugu sii darnaate wadooyinka oo aad u bur bursan .
Inkastoo maamulo kala duwan ay soo martay Afbarwaaqo islamkarna maamul kasta wax unle uu deegaankasi ku soo kordhinayay ayaa ugu dambeyntii dadka deegaankasi waxaa ay u gurteen Cabdulaahi Jaamc Dhore oo horay galmudug wasiir ugu soo noqday in uu gudoomiye dagmada uu ka noqdo afbarwaaqo.

Munaasbad Lagu caleema Sarayay Gudoomiyaha Cusub Afbarwaqo iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu Dhax qabtay Dugsiga Hoose Dhaxe ee Afbarwaqo waxaana caleema saarka ka soo qeyb galay xubna ka tirsan Golaha wasiirada Galmudug maamulka Gobolka iyo kan dagmada Gaalkacyo.Salaadiin odayal’Masuuliyiin horay xilal ka soo qabtay Galmudug ‘Qurba Joog iyo shacab badan oo reer afbarwaqa ah.

Cabdulaahi Jaamac oo ah Gudoomiyaha Degmadas ayaa la sheegay in uu wax badan uu ka badali karo magaladasi facaweyne balse colaadaha ay la dageen iyadoona shacabkii ka hadlay munasbada ay shegeen in ay la shaqeynayan Gudoomiyaha Cusub .

Ugu dambeyntii Afbarwaqo ayaa ah deegaan u baahan in si deg deg ah ay u hesho wadooyin ‘Caafimaad ‘Biyo iyo dhamaan adeegyada bulshada.

Rajada Afbarwaq ayaa hadda muuqta madama qurba joogta ka soo jeda halkasi ay ku guuleysteen in ay dhisaan xarunta maamulka ‘Guriga martida iyo xarumo kale waxaana sidoo kale loogu baaqay shacabka ka soo jeeda deegaankasi in ay dib ugu laabtaan magaalada

LEAVE A REPLY