Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari Ra’iisul Wasaare Kheyre Wuxuu Talo Ka Qaatay Kuwii Bur Buriyey...

Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari Ra’iisul Wasaare Kheyre Wuxuu Talo Ka Qaatay Kuwii Bur Buriyey Baarlamaankii 8aad

0
SHARE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goordhow shir jaraa’id waxaa uu ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho,isaga oo kaga hadlay xiisadii ka dhalatay mooshinka lag gudbiyey iyo Ciidamada weli ku sugan Xarunta Golaha Shacabka.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in marka hore uu Shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayo dhabar adeega ay sameyeen inta uu socday khilaafka ka dhashay Golaha Shacabka Soomaaliya,isla markaana wax walba lagu dhameeyey dastuurka dalka u yaalla.

Isaga oo ka hadlayay Ciidamada la geeyey Xarunta Golaha Shacabka ayuu shegay in markii ugu horeysay inta la xasuusto ay tahay in Xarunta Golaha Shacabka ay Ciidamo la wareegaan waxa uuna Golaha fulinta ugu baaqay in ay ciidamaas ka qaadaan.

Waxa uu hadalkiisa inatasi raaciyey in uusan jirin mooshin laga waday  Ra’iisul Wasaare kheyre balse Warar been ah lagu dagaal geliyey.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayuu sheegay in uu yahay Shaqsi wanagsan oo jecel dowladnimada,balse uu talo ka qaatay dadkii bur buriyey Baarlamaankii 8aad sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee gudoomiye Jawaari

LEAVE A REPLY