Diyaarad ku dhacday Syria iyo 32 qof oo Geeriyootay.

Diyaarad ku dhacday Syria iyo 32 qof oo Geeriyootay.

0
SHARE

Diyaaraddaan ayaa ku dhacday Meel u jirta 500 Mitir Magaalo Xeebeedka Al-adqiya ee dalka Syria, Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad ay saarnaayeen 26 qof oo rakaab ah iyo 6 shaqaale ah, kuwaas oo dhamaantood ku dhintay Diyaaradda.

Wasaaradda ayaa beenisay warar sheegaya in Diyaaradda lasoo riday, maadaama Goobta ay ku dhacday ay ka agdhaw yihiin Xoogagga kasoo horjeeda Dowladda Madaxweyne Bishaar Xaafid Al-Asad oo Ruushka garab siiyo.

Ma bixin Faah-faahin la xiriirta Xogta dhicitaanka Diyaaradda, balse waxa ay u badiyeen in ay tahay Cilad soo wajahday, waxa ayna tacsi la wadaagtay ehelada dadkii ku dhintay Shilkaasi

Diyaaradaha Dagaalka Ruushka ayaa si rasmi ah u bilaabay Duqeymaha ay ku taageerayaan Dowladda Madaxweyne Al-Asad 30-kii September sanadkii 2015-kii.

Magaalooyin ay kamid tahay Magaalada ay diyaaradda ku dhacday ayaa dadkeeda u noqday Diyaaradaha Ruushka dhibanayaan la kulma duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ka dhaca Deegaanadooda.

Diyaaradaha Militariga ee Saanadda u qaada Ciidamada kaga sugan Syria ayaa marar badan ku dhacay Magaalooyin u badan kuwa Xeebaha leh, waxaana sababta ugu weyn la sheegaa in Diyaaradaha kolka ay marayaan Xeebaha ay ku socdaan Joog hoose, taasina ay fududeyso in ay damcaan ama weeraraan Kooxaha kasoo horjeeda.

LEAVE A REPLY