Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo Hab Casri ah loo Dhisayo.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo Hab Casri ah loo Dhisayo.

0
SHARE

Madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug ayaa maanta qiimeyn u tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Madaxda ayaa dhagax dhigtay dhismaha Garoonka diyaaradaha, iyagoona sheegay in loo dhisayo Hab Casri ah, lana jaan-qaadayo Garoomada Caalamiga ah.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo ku hadlayay Afka Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha garoonka diyaaradaha uu noqon doono mid lala bar-bar dhiga Garoonamada Casriga ah.

Waxa uu tilmaamay in dhismaha garoonka ay qeyb ka yihiin Hoteelada da dego, goobo lagu nasto iyo guud ahaan adeegyada ay bixiyaan Hoteelada.

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in Xeendaabka Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb uu noqon doono 6KM oo dhinac kasta ah.

Dadka degan Xeendaabka garoonka waxa uu ka dalbaday in ay isaga guuraan Muddo kooban, isagoona tibaaxay in aanan loo ogolaan doonin shaqsiyaad dhismo ka ak sameysto Dhulka Garoonka.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay in uu bogaadinayo Dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb, waxa uuna bulshada Galmudug ka dalbaday in ay ka faaiideystaan fursadasha dib loogu dhisayo Magaalada.

Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in howlaha lagu hormarinayo Maamulka iyo Deegaanada Galmudug ay ku xiran tahay Madaxda iyo Shacabka oo iska kaashada, waxa uuna dalbaday in aanan loo kala harin howlahaan.

Xubno ka socda Qaramada Midoobe ayaa dhawaan Qiimeyn ku sameeyay qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb, si gaar ah Xarumihii ay ka deganayeen Magaalada, waxa ayna sheegeen in ay dib u dhis ku sameynayaan Xarumahoodii

LEAVE A REPLY