Geeddiga Galmudug ee Dhuusamareeb oo Beesha Caalamka u xanniban.

Geeddiga Galmudug ee Dhuusamareeb oo Beesha Caalamka u xanniban.

0
SHARE

Heshiiskii Galmudug loogu midoobay oo muddo soo jiitamayay, waxaa isku soo dhawaanshiyaha labada dhinac uu toos u bilawday 3 December 2017, kadib Markii Jabuuti ay labada dhinac heshiis ku kala saxiixdeen.

Hormuud waxaa ka ahaa Beesha Caalamka iyo Urur Goboleed IGAD, Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda ku laheyd Kor joogto looga fir-fircoonaa wada hadalka xiligaasi socday.

Qodobadii Jabuuti lagu soo wada hadlay waxaa kamid ahaa in Dhuusameeb lagu dhameystiro Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Labo Dhinac ayaa kolkaasi laga eegay si aan kasoo xigay Xubno kamid ahaa dadkii wada hadalka ku jiray:-

1-Magaalada Dhuusameeb ayaa dastuurka Galmudug ugu qoran in ay tahay Caasimadda Maamulkaasi.

2-In loo arkay Ahlu Sunna in ay maamulaan Magaalada Dhuusamareeb, maamulkoodana ay u tahay Caasimad.

Labada dhinac ayaa midba waxa uu sameeyey Tanaasul, oo Galmudug waxa ay ka tanaasuleen in looga tago Cadaado oo ah Caasimadda KMG, halka Ahlu Sunna iyana lagu qanciyay in ay Waji Furan kusoo dhaweeyaan Wafdiga Dhuusamareeb tagaya.

18-kii Janaayo 2018 waxaa la isugu tagay Magaalada Dhuusamareeb, waxaa dhacay is gacan qaad Madaxda labadii dhinac ee heshiiska dhexmaray.

Waxaa badalmay Magacii Ahlu Sunna, Madaxweynihii maamulkaasina waxa uu isku baday Madaxa Xukuumadda Galmudug, Waxaana la Dajiyay Calankii Ahlu Sunna oo lagu badalay Calanka Galmudug.

Doorkii IGAD iyo Beesha Caalamka ayaa la gaaray, waxa uuna ahaa bixinta dhaqaalaha Maamulka Galmudug uu ugu guurayo Caasimadda, Wali ma dhicin in loo Gacan geliyo dhaqaalihii loogu yaboohay, si ay ugu xir-xirtaan safarkooda Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY