Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo ka Doodaya Warqad Imaradka lagu edeynayo in...

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo ka Doodaya Warqad Imaradka lagu edeynayo in somaliya ay kala qaybsinayo taa oo Dowlada Fadaraalka Soomaliya ay soo Gudbisay

0
SHARE

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa golaha amaanka ee QM u gudbisay ashtako ka dhan ah dowlada Imaaraadka Carabta.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) ayaa qoraalka ashtakada ah si rasmi ah maanta u hor dhigay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Abuukar Baalle ayaa ku eedeeyey dowlada Imaaraadka Carabta inay ku xadgudubtay qaranimada dalka Soomaaliya.

Khudbad uu danjiruhu u jeediyay xubnaha Golaha ammaanka ayuu ku sheegay in dowlada Imaaraadka Carabtu heshiiska ay shirkada DP World la gashay Maamulka Somaliland uu ka dhigan yahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

“Dowlada Federalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxayna qaadi doontaa wax walba oo ay ku ilaalin karto jiritaanka Qarankeeda.”ayuu yiri danjire Abuukar Baalle.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in heshiiska  Imaaraadka Carabta iyo Somaliland wada gaareen ee saldhiga Milatari looga dhisayo magaalada Berbera uu xadgudub cad ku yahay xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya muddo 28 sano ka badan.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Qaramada midoobay dedaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya dowladnimadeeda loo xoojin lahaa, horumarna ugu talaabsan laheyd.

LEAVE A REPLY