isku darka Mudanayaasha Barlamaanka Galmudug iyo ahlusuna oo tiro ahan gaaray...

isku darka Mudanayaasha Barlamaanka Galmudug iyo ahlusuna oo tiro ahan gaaray 178 Xildhibaan, waana laba-laabta Xildhibaanada Galmudug ee fadhiisan jirtay, iyo kulankoodii ugu horeeyay oo Dhusamareb Manta ka Furmaya

0
SHARE

Sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ku leh Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Xildhibaanada ayaa maanta ka tiro badnaan doona tiradii ay ahaayeen kolkii hore, maadaama lagu biiriyay Xildhibaanada Baarlamaanka Ahlu sunna oo isagana ka kooban tiro lamid ah Xildhibaanada Galmudug.

Mudanayaasha ayaa gaaraya 178 Xildhibaan, waana laba-laabta Xildhibaanada Galmudug ee fadhiisan jirtay kulamadii lasoo dhaafay oo ay yeelanayeen.

Ajendayaal dhowr ah ayay kaga wada hadli doonaan sida wararku ay sheegayaan oo ay kamid yihiin ka doodista wax ka badalka Xeer hoosaadka Baarlamaanka Maadaama Tirada hay’addaan ay ka korortay tirada dastuurka ugu dhigan, Isbarashada Xildhibaanada labada dhinac iyo dib u eegista dastuurka Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa horay u qorsheeyay in Baarlamaanka Maamulkaasi uu ku shaqeyn doono Magaalada Cadaado oo horay u aheyd Caasimad KMG ah.

Guddoonka iyo Xildhibaanada ayaa qorsheyn doono in kulanka kan xiga lagu qabto Magaalada Cadaado iyo isla meel dhigidda sidii ay u degi lahaayeen Magaalada Cadaado.

Heshiisyadii dhexmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna waxaa qeyb ka ahaa in labada dhinac la mideeyo, sida Baarlamaanka, Wasiirada, Saraakiisha Ciidamada iyo dhammaan Hay’adaha labada dhinac.

LEAVE A REPLY