Madaxda Dowlada Galmudug oo Kulan Xasaasi ah Uga Socdo Dhuusamareeb.

Madaxda Dowlada Galmudug oo Kulan Xasaasi ah Uga Socdo Dhuusamareeb.

0
SHARE

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa kulan ku leh Madaxda Galmudug, waxaana Magaaladaasi ku sugan Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Madaxa Xukuumadda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku biiray.

Sida ay sheegeen Saraakiil katirsan Galmudug waxa uu kulankaan salka ku hayaa dhowr arrimood oo ay kamid yihiin mideynta Baarlamaanka Galmudug iyo Maamulkii Ahlu Sunna ee ku biiray, wax ka badalka Dastuurka, Qorsheynta Geeddi Socodka Galmudug iyo Raadinta Yaboohii Beesha Caalamka ee dhaqaalaha ku baxaya Maamulka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Magaalada Muqdisho ku sugnaa ayay wararku sheegayaan in si deg deg ah loogu yeeray Magaalada Dhuusamareeb si uu shirka ugu qeyb galo.

Saraakiil katirsan Galmudug ayaa kulanka Goob joog ka noqon doonto sida qorshuhu yahay, maadaama Saraakiishii Ahlu Sunna lagu wareejinayo howlaha Ciidanka iyo Sugidda Amniga Deegaanada Galmudug.

Natiijada kasoo baxdo Shirka Madaxda Galmudug kadib waxa ay u dhiibi doonaan Guddiya ay magacaabayaan oo ka shaqeeya taabagelinta waxyaabaha kasoo baxaya kulankaan gaarka ah.

Saraakiil katirsan Galmudug ayaa horay u sheegay in horusocdka Dowlad Goboleedka Galmudug uu ka xayiran yahay Ballanqaadkii dhaqaale ee Beesha Caalamka iyo IGAD ay u sameeyeen kolkii wadahadalka socday.

Madaxtooyada iyo Hay’adda Fulinta (Golaha Wasiirada) Galmudug ayaa ku shaqeyn doonto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, Halka Hay’adda Xeer dajinta (Baarlamaanka) uu ku shaqeyn doono Magaalada Cadaado Galmudug sida ku xusan Heshiiskii Beesha Cadaado Degta iyo Madaxda Galmudug dhexmaray 23-kii Janaayo 2018.

 

LEAVE A REPLY