Madaxweyne Xaaf Go.aan Geesinimo Leh iyo Mideyntii Wadajirka Galmudug iyo Ahlusuna ,...

Madaxweyne Xaaf Go.aan Geesinimo Leh iyo Mideyntii Wadajirka Galmudug iyo Ahlusuna , Akhriso Warbixin Xiiso Leh

0
SHARE

Shacabka Galmudug oo hanaanka uu u shaqeeyo Maamulkooda ka niyad Jabsanaa intii ay maamulkaas majaraha u hayeen Masuuliyiintii ka horeeyay Maamulka haatan uu majaraha u hayo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dareemay haatan Yididiilo iyo Rajo la isku halleyn karo.

Suldaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu horreyn uga farxiyay Shacabka Galmudug Tallaabadii Geesinimada lahayd ee uu ku soo dumay Ahlusunna Waljamaaca oo hadda la bahoobay Maamulkiisa.

Weliba Suldaan Xaaf ayaa si loo helo Maslaxadda Galmudug ka tanaasulay inbadan oo ka mid ah Awoodihiisa hoggaamineed taas oo aan saameyn Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyihiisa Baarlamaanka.

Waxaa kale oo in la xuso mudan dadaalka uu ku bixiyay Mudane Madaxweyne Xaaf dhismaha Dekedda Hobyo isagoo ku qanciyay Dowladda Dhexe in ay kaalin wax ku ool ah ka geysato dhismaha dekeddaasi oo il dhaqaalo oo Muhiim u ah Shacabka Galmudug ka dhigan, waxaana ugu dambeyn dhagax dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu xal ka gaaray qorshaha dhismaha dekedda Hobyo oo Caqabado yar yar ay la soo gudboonaadeen iyadoona ugu dambeyn Miiska wadahadalka lagu dhameeyay in Mashruuca dhismaha dekeddaasi ay qaataan Turkey-ga.

Haatan waxa uu wadaa Kulamo qeyb ka ah dhameystirka Heshiiskii Ahlusunna Waljamaaca oo mar ahaa Mucaaradka ugu weyn ee Galmudug ay ka shaqeyn la’dahay kuwaas oo uu kala xaajoonayo hab awood qeybsiga labada Maamul ee wax isku darsaday islamarkaana bahoobay si loo sii dar dar galiyo Mashaariicda kale ee Horumarineed ee deegaanada Galmudug ay u baahan yihiin.

Maalmihii u dambeeyay waxaa ku sii qul qulayay deegaanada Galmudug wufuud ee Heer Caalami ah oo ka socda hay’adaha qaramada Midoobay si Mashaaricdii ay ka dib dhaceen Reer Galmudug mudadii daruufaha uu la daala dhacayay maamulkaasi looga daba geeyo kuwaas oo isugu jira Waxbarasho , Caafimaad iyo Adeegyo kale , waxaana Maamulka Madaxweyne Xaaf uu ula qaadaa dhigayaa si miir qab ah , waxtarna u leh Bulshadiisa Hay’adaha wada Mashaariicdaasi islamarkaana daneynaya in Mashaariicdaasi ka hir galiyaan deegaanada Galmudug.

Waxaa intaas sii dheer in Jaaliyadaha Galmudug ee ku nool dalka dibaddiisa, Ganacsatada iyo dadka Magaca iyo Maamuuska leh ee ka soo jeeda Galmudug ay ka helaan Kalsooni buuxda Maamulka Suldaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku aadan in ay u diyaar garoobaan Maalgashiga, gacan ka geysashada dib u dhiska Galmudug iyo wacyi galin loo sameeyo bulsho weynta Galmudug meel kasto ay joogaan.

Hadaba Bulshada Galmudug oo ugu wanqalay Hoggaankooda Daacadda ah Suldaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa haatan u heelan in ay ku garab qabtaan inaanu Maamulkooda dheelin , sidaas daraadeed ayaa loo baahan yahay in dhamaan reer Galmudug iyo inta samaha iyo baraaraha Soomaali weyn jecel ay ka ciyaan hadba doorka kaga aadan.

Aqoonyahanada Galmudug ayaa isla qiray in cid kasta oo ka hortimaada Midnimada iyo Nabadda Galmudug ay tahay Nabad iyo Horumar Diid

LEAVE A REPLY