Madaxweyne Xaaf oo Lagu Casumay Garoowe , Wararkii ugu Danbeyay

Madaxweyne Xaaf oo Lagu Casumay Garoowe , Wararkii ugu Danbeyay

0
SHARE

Puntland ayaa shaacisay qodobada looga hadlayo wejiga labaad ee shirka wada-tashiga madaxda Maamul goboleedyada ee lagu qabanayo dhowaan Magaalada Garoowe.

War saxaafadeed ka soo baxay shir ay maanta isugu yimaadeen golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in qodobo ay ka mid yihiin arrimaha amniga dalka iyo isku-xirka Maamulada Federaalka looga hadlayo shirka madaxda dowlad goboleedyada, ayna sii ambaqaadi doonaan ajendayaasha shirarkii hore ee qabyada ahaa.

Dhinaca kale, shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa looga hadlay arrimaha abaaraha, waxaana madaxweyne Gaas oo shirkaan guddoomiyay uu amar ku bixiyay in wasaaradihii iyo guddiyadii ka shaqeyn jiray u-gurmadka dadka ay bilaabaan qorshihii looga hortagi lahaa xaaladdan.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay golaha wasiirada dowlad goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY