Maroodi ku nool dalka India oo lagu arkay mucsijo aan horey loo...

Maroodi ku nool dalka India oo lagu arkay mucsijo aan horey loo arag (Sawirro+Video)

0
SHARE

Maroodi ku nool ku taala wadanka india ayaa waxaa lagu arkay mucjiso dad badan ka yaabisay taasoo aan horey loogu arag maroodiyaasha kale.

Video laga duubay Maroodi ku nool dalka India ayaa muujinaya maroodigaas oo dambas afuufaya kaasoo la moodo inuu qiiq afka ka sii daynayo iyadoo arintan ay amakaag ku noqday khubarada aduunka ee daryeelka duur joogta.

Vinay Kumar oo ah saynisyahan ka tirsan wakaaladda daryeelka duur joogta India ee Wildlife Conservation Society, ayaa duubay muuqaalka 48-ka il bidhiqsi ah mar uu socdaal shaqo ku tagay kaynta Nagarhole ee gobolka Karnataka.

Saynisyahannada ayaa sheegay inaanay weli garawsan waxa sababay in dambaskaa uu maroodigu afuufayaa uurkiisa galo.

Warbixin ay soo saartay wakaaladda daryeelka duur joogta India ayaa lagu sheegay in “dhacdadani tahay tii u horraysay ee muuqaal laga duubay maroodi dabcigaasi ka muuqdo, waana arrin khubarada iyo saynisyahannadu la amakaageen”.

Kumar waxa uu sheegay in isaga iyo kooxdii la socotay ay kaynta tageen aroor hore si ay u soo eegaan muuqaallada ay duubeen kamarado qarsoon oo ay kaynta ku rakibeen oo ay doonayeen in ay ku ogaadaan hab dhaqanka shabeellada. Waxa uu markaa arkay qalanjadan oo qiyaastii 50 mitir u jirta, ka dibna waxa uu muuqaalkan ku duubay kamarad uu sitay.

Warbixinta ayaa waxa kale oo lagu sheegay in maroodiga muuqaalka laga duubay ayaa loo malaynayaa inuu cunay dhuxul bakhtiday oo halkii dabka lagu shiday lagaga tagay oo ka dibna dambaskii dib u soo afuufaya”.

“Maalintaa markaanu aragnay waxaa la moodayey in qalanjadaasi qiiq afuufayso. Intay dambas gacankeeda ka buuxa kolba afka ku shubto ayay afuufaysay, sidii wax sigaar cabbaya oo kale!” ayuu yidhi Kumar.

Varun R Goswami, oo ah khabiir ku takhasuusay dabciga iyo samayska maroodiga, isla markaana muuqaalka darsay ayaa sheegay in uu rumaysanyahay in “ay aad suurto gal u tahay in maroodigu doonayey in uu liqo dhuxul bakhtiisan oo uu qaatay isagoo dhulka xaabaya, ka dibna dambaskii gacanku soo qaaday iska afuufayo, wixii kalana liqayey”.

LEAVE A REPLY