Muxuu salka ku hayaa muranka mooshinka Jawaari?

Muddadii sanadka ahayd ee ay dhisneyd dowladda hadda jirta, waxaa dhawr jeer soo baxay warar sheegaya mooshin ka dhan ah qaar ka mid ah madaxda sare ee dowladda, balse markasta dib ayay wararkaasi ka beentoobi jireen.

Balse isbuucii la soo dhaafay ayay xildhibaano mooshin lama filaan ah ka keeneen guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Mooshinka Jawaari

Waxaa mooshinka guddoomay ku xigeenka Jawaari, Cabdiwali Muuday, waxaase dhacay arrimo isbadalo xawli ku socday ah.

Guddiga joogtada ee baarlamaanka ayaa shir jaraa’id ka sheegay in mooshinkii Jawaari uu jabay maadaamaa ay ka noqdeen 13 xildhibaan, sidaasi darteedna ay kusoo hartay 91 xildhibaan, taas oo aanan buuxinaynin guntankii loogu talogalay.

Goobtaas shirka jaraa’id waxaa fadhiyay Cabdiwali Muuday, balse saacado kadib ayuu warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in mooshinka uu meelmaray, isaga uu gollaha horgeyn doono.

Waxay noqonaysaa markii koowaad oo mooshin laga keeno Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo ay u tahay markii labaad oo uu noqdo guddoomiye baarlamaan.

Baarlamaankii sagaalaad oo codka kalsoonida uu baarlamaanka kala laabtay labo Ra’isulwasaare, Jawaari ma jirin wax mooshin ah oo laga keenay.

 

Beesha caalamka oo ka walaacsan xaaladda siyaasadeed ee Somaaliya

Mooshinkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa maalin oo kaliya ka dib markii baarlamaanka uu cod aqlabiyad ah dalka kaga mamnuucay shirkadda DP World ee Imaaraatka laga leeyahay oo qandaraas la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland si ay u maamusho dekeda Berbera.

Sidoo kale, wuxuu mooshinka yimid maalmo kadib markii Jawaari iyo maamulka baarlamaanka ay dowladda Turkiga la saxiixdeen mashruuc lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ay ku kacayso lacag dhan $100 milyan oo doolar.

 

Lama oga waxa mooshinka kusoo beegay labaddan arrimood ee waaweyn.

Yaa gadaal ka riixaya mooshinka Jawaari?

Porf Maxamed Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa si toos ah xukuumadda iyo Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre ugu eedeeyay in ay gadaal ka riixayaan mooshinka, wuxuuna sheegay in xitaa amnigii baarlamaanka ay la wareegeen ciidammo aanan guddoonka baarlamaanka ka amar qaadanin oo ay soo direen laanta fulinta, isaga oo intaas ku daray in loo baahanyahay in uu baarlamaanka ku shiro meel madaxbanaan.

Maalinkii xigtay waxaa dhismaha golaha baarlamaanka la wareegay ciidammo ka socda Midoowga Afrika (AMISOM), kuwaas oo waajibaadyadooda koowaad ay ka midyihiin illaalinta xarumaha waaweyn ee dowladda sida baarlamaanka, Madaxtooyada iyo meelaha muhiimka ah.

Dadka taageersan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada mooshinka keenay ay ku jiraan xubnaha golaha wasiirada, kuwaas oo ka tirsan baarlamaanka.

Labo maalmood kadib waxaa shir jaraa’id kasoo muuqday qaar ka mid ah golaha wasiiradda oo Jawaari ugu baaqay in uu iscasilo, haddii kale ay meelmarin doonaan mooshinka.

baarlamaanka Soomaaliya

Ugu dambeyntii Prof Jawaari ayaa ogolaaday in mooshinka cod la galiyo, balse waxa uu shuruud ka dhigay in muddo 10 maalmood gudahood ah codkaas lagu qaado, islamarkaasna kulanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah, sida uu hadalka u dhigay.

Iyada oo uu Jawaari ogolaaday in mooshinka codka la galiyo, ayay wali sii socdaan kullamadii ay lahaayeen xildhibaanada keenay, iyo baaqyadii ahaa in uu is casilo, taas oo keentay in taageerayaasha jawaari su’aal geliyaan sababta loo sugi la’yahay waqtiga mooshinka, haddiiba ay kalsooni ku qabaan in ay heystaan cod ku filan in Jawaari la rido.

Inkasta oo Ra’isulwasaaraha iyo madaxweynaha aysan marnaba ka hadlin qalalaasaha siyaasadeed ee jira, ayay Caasho Axmed Cabdalla oo horey xildhibaan u ahaan jirtay qabtaa “Haddii mar mooshinka la keeno, sharciga waxa uu qabaa in guddoomiyaha uu noqonayo xubin caadi ayuu noqonayaa, guddoonkana waa uu ka fariisanayaa”.

Maxaa lagu eedeeyay Jawaari

Sida ku qoran warqadda mooshinka, xildhibaanada keenayna ay warbaahinta marar kala duwan u sheegeen, waxaa Jawaari lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, cabburin aragtida xildhibaanada iyo eedeymo kale oo culculus.

Sakariye Yuusuf waa falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan hay’adda xasarada adduunka ee ICG, waxa uu BBC-da uga waramay aragtidiisa ku wajahan eedeymaha Jawaari loo heysto, wuxuuna yiri “Waxaan akhriyay mooshinka hadda laga keenay Jawaari , eeddana cidda soo jeedisay ayaa laga rabaa in ay soo caddeyso, aniga baarlamaanka kama mid ahi, mana sheegi karo in eedeymahaas ay wax ka jiraan iyo in kale, balse waxa meesha yaala ayaa ah in baarlamaankan kii ka horeeyay iyo kanba uu hoggaanka u hayay Jawaari, xaqiiqda marka la fiiriyana wuxuu ku hoggaaminayay waayo-aragnimo, aqoon iyo odaynimo, Soomaaliyana maanta kama maaranto odaynimo”.

Eed kasta oo loo heysto Jawaari, waqtiga xasaasiga ah ee uu mooshinka kusoo beegmay ayay dadka qaarkood farta ku fiiqeen in uusan munaasab ahayn in xilligan uu dalka galo qalalaase siyaasadeed sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Ibraahim oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan dalka Jabuuti. wuxuuna yiri “Muddo 28 sano ah, siyaasiyiinta Soomaaliya ma aysan samaynin wax dib u heshiisiin qaran ah, waxaan aniga ku ku qiimeeyay siyaasad jiho wareertay, haddiiba maanta uusan baarlamaanka ka shiri haynin sidee dalkan la’isugu soo dhaweeyaa, dar xumaa keentay in siyaasadda Soomaaliya sidan loo fikiro” .

Qodabada dastuurka iyo xeer hoosaadka ee codeynta mooshinka

Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah.

Taas waxa ay ka dhigantahay in ay mooshinka ogol ugu codeeyaan 184 xildhibaan, marka si kale loo yiraahdana in Jawaari uu mooshinkan ka badbaado, waxa uu u baahanyahay 92 xildhibaan oo kaliya oo codka diidmada ugu codeysa mooshinka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Daawo Sawirada Wafdi Heer Calami ah oo Dhuusamareb ka Soo Dagay
- Apr 23, 2018
Waxaa Maanta Magalada Caasimada Ah Ee Dhuusmareb Soo Gaaray Wafdi Kasocda Qaramada Midoobay Gaar ...
Dhacdo Ugub ah Lamaane is Qaba oo isku mar ay Nafta ka Wada Baxday duleedka Degmada Caabudwaaq
- Apr 23, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan ...
Daawo Sawirada Dagaal Ka Dhacay Xerada Imaaraadka Ee Muqdisho Iyo Faah Faahin…
- Apr 23, 2018
agaal u dhaxeeyey Ciidamo kawada tirsan dowladda ayaa la sheegay in uu ka dhacay ...
Waraysi Muqaaal Gudoomiyaha Gudiga Gob Maxamed Cabdulkaadir Shirwac oo ka Hadlaya Dadaalkii laga Soo Maray Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo , iyo Kaalinta Jaaliyadaha Galmudug ee Dibada ay arintasi uga Jiran
- Apr 23, 2018
Gudoomiyaha Gudiga Gob Maxamed Cabdulkaadir Shirwac ayaa axa uu marti ku ahaa barmaamijka Arimaha ...
Aktarad caan ah oo Diiday in ay Tagto Xaflad Wayn oo Abaal marin lacageed Lagu Gudoonsiin Laha Maxay Tahay Sababtu?
- Apr 23, 2018
Aktaradda Mareykanka ah ee uu asalkeedu yahay Israel ,Natali Bortaman , ayaa diidday inay ...
DaawoDhismaha Wadooyin Muhiim ah oo ka socda Magaalada Hobyo
- Apr 23, 2018
Wadooyinka la dhisayo waxaa kamida ah kuwa magaalada Dhex mara isla markana aada dhanka ...
Muqdisho oo 3-Milyan ku nool yihiin oo DF lagu amray iney cadeyso Maqaamkeeda
- Apr 23, 2018
Nuur Ismaaciil Shiikh oo ka mid ah aqoon yahaanada iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho oo ...
Qarax ka dhacay Misaajid ku yaalla magaalada Bama ee dalka Nigeria
- Apr 23, 2018
Wararka ka imanaya dalkaasi Nigeria ayaa sheegaya in dad isa soo miidaamiyay ay ugu ...
SAWIRRO: Qofka ugu da’da weynaa Caalamka oo geeriyootay, Imisa sano jir bay aheyd?
- Apr 22, 2018
Dalka Japan waxaa ku geeriyootay Nabi Tajima, oo dhalatay Bishii  August 4dii ee Sanadkii,1900,kii waxaana ...
Daawo Muwaadin Somali-Canadian Muddo 11-Sanno Ku Xirnaa Ethiopia Oo Dib Ugu Laabtay Kanada
- Apr 22, 2018
Bashiir Makhtal Daahir oo 49-jir ah ayaa bishan April 18-dii laga sii daayey Xabsi ...
Imaaraadka oo Agabkii ka yaalay Muqdisho ku raranaya Markab ku xiran Dekadda (Daawo Sawirro)
- Apr 22, 2018
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa agabkoodii muhiimka ahaa ee u yaalay magaalada Muqdisho bilawday in ...
Madaxweynaha Iran oo ku hanjabay in ay talaabo aan la malayn karin qaadi doonaan hadii Maraykanku ka baxo heshiiska nukliyeerka
- Apr 22, 2018
Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa ku hanjabay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ...
C/Qeybdiid”midnimo iyo wada jir dalkaan kama dhaceyso inta dad xaqooda la dafirayo”
- Apr 22, 2018
Kulan lagu sagootinayay gudoomiyayaahsa baarlamaanada ee maamul gobalaeedyada dalka ka jira iyo gudiyada madaxa ...
Gabar lix bil keliya jirta oo Hindiya lagu kufsaday Kadibse Maxaa dhacay?
- Apr 22, 2018
Gabar lix bilood jir ah ayaa lagu kufsaday laguna dilay gobolka Madhya Pradesh ee ...
40 sano kadib Filimkii ugu horeeyay oo Maanta fagaare lagu daawanayo Sacuudiga (Sawirro)
- Apr 22, 2018
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sii deysay filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ...
>
 
Advertisements