Puntland: Ciidan gedoodsan oo la wareegay Xarumaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga

Puntland: Ciidan gedoodsan oo la wareegay Xarumaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga

0
SHARE

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland islamarkaana ka careysan mushaar la’aan ayaa maanta la wareegay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga ee Puntland oo ku taalla Magaalada Qardho.

Ciidamada la wareegay xarumahan ayaa ku amray dhamaan Shaqaalihii ku sugnaa inay isaga baxaan xarunta iyaga oo badqaba.

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii ciidamada la wareegay xarumahaan ay ka gadoodeen arrimo ku saabsan Mushaar  la’aan muddo haysatay.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo guda galay xalka arrintaan ayaa Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay waxa ay u sheegeen qayb ka mid ah Mushaarka ciidanka in la siinaayo.

Laakiin Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay ayaa iska diiday qayb ka mid ah Mushaarka ciidamada inay qaataan, waxaana ay u sheegeen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda inay doonayaan ciidamada mushaaraadkii ka maqnaa oo dhan in la wada siiyo.

Dhowr jeer ayey soo laabatay arrinta mushaarka Ciidamada Puntland iyada oo tiro dhowr jeer ah ay sidan oo kale ula wareegeen Xarumaha Maaliyadda sida Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa dhowr jeer beeniyay isaguna in Ciidamada ay mushaar la’aanyihiin,iyada oo qaar ka mid ah Ciidamada ay xeryaha Milatariga isaga baxeen

LEAVE A REPLY