SAWIRRO:-Ciidamada Galmudug oo Maantay Cagta Mariyey Jid Gooyooyin Shacri Darro ah oo...

SAWIRRO:-Ciidamada Galmudug oo Maantay Cagta Mariyey Jid Gooyooyin Shacri Darro ah oo La dhigtay Inta U dhaxaysa galin soor Iyo Godinlabe.

0
SHARE

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Gadiidleyda Ku safra wadada xiriirisa Godinlabe iyo Galin soor jid gooyooyin ay si dhuumaalaysi ah u dhigteen maleeshiyaad ayaa maantay Ciidamada Nabad sugida ,Ciidanka Daraawishta iyo Booliska Galmudug oo kaashanaya Shacabka Degmada Cadaado ayaa gabi ahaan cagta miriyay jid gooyooyin sharci daro ah oo la dhigay wadada xariirisa Godinlabe iyo Galin soor .

Talaabadan ayaa Muujinaysa dadaalka Galmudug ay ugu jirto hagaajinta Amniga iyo xasiloonida deeganada Galmudug, waxaana dhamaan degaanada Galudug ka jira nabad buuxda oo ay ku naaloonayaan shacab weynaha Galmudug.

Ciidamada Galmudug qeybahoda kala duwan ayaa mar kasta u taagan sidii ay u ilaalin lahaayeen badqabka shacabka isla markaana ay uga Difaaci lahaayeen wax kasta oo dhib ku ah Noloshooda.

LEAVE A REPLY