Dhageyso:-Xildhibaan Dalxa”Majiraan Xildhibaano Dhex Dhexaad Ka Ah Mooshinka Laga Gudbiyey Jawaari”

Dhageyso:-Xildhibaan Dalxa”Majiraan Xildhibaano Dhex Dhexaad Ka Ah Mooshinka Laga Gudbiyey Jawaari”

0
SHARE

Weli waxaa taagan xiisadii ka dhalatay mooshinkii laga gudbiyey  gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,mooshinkaas oo la filayo in dhawaan cod loo qaado.

Muran ayaa ka taagan halka lagu qabanayo kulanka cod u qaadista mooshinka,iyada oo gudoomiye Jawaari uu diiday in kulanka lagu qabto Golaha Shacabka oo uu sheegay in ay la wareegeen ciidamo uu geeyey Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Sidoo kale waxaa socday dadaalo lagu doonayay in xiisada ka dhalatay mooshinka la demiyo oo ay wadeen xildhibaanada qaar iyo madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay gudoomiye Jawaari ayaa shegya in asyan jirin Xildhibaano dhex dhexaad ah oo mooshinka ka madax banaan laakin Xildhibaanadu ay yihiin kuwo mooshinka keenay iyo kuwo kas oo horjeedo.

Waxa uu sheegay in mooshinka la keenay aysan jirin cid bedel ku sameyn karto isla markaana lagala bixi doono maalinta cod u qaadista mooshinka ka yaalla gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa

LEAVE A REPLY