Xasan Sheikh Maxamuud “” Dalka Yaan la Burburin Madaxda Dalka Go,aankooda Ha...

Xasan Sheikh Maxamuud “” Dalka Yaan la Burburin Madaxda Dalka Go,aankooda Ha Cadeyan ,

0
SHARE

Madaxweynihii hore ee dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu caawa soo saaray kaga hadlay Khilaafka xiligan ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira laga dhaxlo Nusqaan dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.

Waxa uu talooyin Muhiim ah u diray Xasan Sheekh Madaxda sare ee dalka si xal looga gaaro khilaafka Siyaasadeed ee taagan loona ilaaliyo sumcada iyo jiritaanka dowlada Soomaaliya

Halkan ka Akhrso Qoraalka kasoo baxay Xasan Sheekh

Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.

Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda.

Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin:

1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY,DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaa jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo.

2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.

Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka,laxa jeclo badanne ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa:

1. In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH.

2. Haddi ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn.

Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo.

Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN.

Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo

LEAVE A REPLY