XOG Beelo Dad isaga layay Xadka u Dhaxeeya Galgaduud iyo Hiiran...

XOG Beelo Dad isaga layay Xadka u Dhaxeeya Galgaduud iyo Hiiran , iyo Ciidamo ku Baxay Deganadaasi

0
SHARE

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay dagaalo ka soo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolkaas,dagaalkaas oo u dhaxeeya labada Maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka oo taagnaa todobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dagaalkii u dambeeyay ay ku geeriyoodeen ilaa 3 ruux oo labada maleeshiyo ee degaalanta ka soo kala jeeda.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegayan in ay Magacaabeen gudi ka qeyb qaata joojinta dagaal beeleedyadaas,isaga oo ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya in ay joojiyaan.

Dagaalkan oo ka socda deegaano u dhaxeeya xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa horay u fashilmay wadahadallo ay sameeyeen Waxgaradka deegaannada lagu dagaalama

LEAVE A REPLY