XOG Khilaafka u Dhaxeya Jawaari iyo Kheyre oo keenay in Jawaari Mooshin...

XOG Khilaafka u Dhaxeya Jawaari iyo Kheyre oo keenay in Jawaari Mooshin Laga Keeno iyo Madaxweyne Farmaajo oo labaduba u Yeeray

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah waxa uu Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kula yeeshay Gudoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

Kulanka ayaa inta badan waxa ay uga hadleyn sidii xal looga gaari lahaa mooshinada isdabayaal wallow mooshinka sida aadka ah banaanka u soo baxay uu yahay kana laga keenay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya labaduba waxa uu ku qancinayaa in ay raadiyaan sidii xal loogu keeni lahaa mooshinka sababay in ay iskhilaafaan gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa 1aad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Laga soo bilaabo Arroornimadii hore ee shalay markii Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka ay sheegeen in ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa bilaawday xiisad Siyaasadeed taas oo saameyn ku yeelatay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

LEAVE A REPLY