Xog , Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi ...

Xog , Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi oo khilaafsan Ahlusuna xubnaha ay kuyeelanayso baaarlamaanka Maamulka Galmudug iyo Beelaha Xawaadle, Jajeele, Majeerteen iyo Dhulbahante o xubno Helaya

0
SHARE

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo waxaa jira khilaaf xiligaan u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey).

Labada Mas’uul ayaa la sheegay in ay isku khilaafsan yihiin sida Ahlusuna Waljameeca xubno ugu yeelanayso baaarlamaanka Maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa soo ifba-baxaya kala aragti duwanaansho u dhaxeeysa xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, iyadoo qaarkood qabaan in heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunno marka hore la horkeeno Barlamaanka Galmudug.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ahlu sunna ay xildhibaanada ay soo xulayaan ku dareen beelo aan ka mid aheyn 11 beelood ee dhistay Galmudug, waxaana wararku sheegayaan in ay xubno siiyeen beelaha Xawaadle, Jajeele, Majeerteen iyo Dhulbahante.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in beelaha qaar saami fiican ka heleen Xildhibaanada Ahlu sunno, halka qaar kale hoos loo dhigay matalaadooda.

Dhanka kale Magaaladda Dhuusa-mareeb waxa maanta ku wajahan Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo masuuliyiin kale.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in ay Galmudug  todobaadkan gali doonto mowjado siyaasadeed oo ka dhalan doona marxaladda kalaguurka.

LEAVE A REPLY