XOG: Muqdisho oo Ciidamo hubeysan la ciir ciireysa & isbedel Amni oo...

XOG: Muqdisho oo Ciidamo hubeysan la ciir ciireysa & isbedel Amni oo suurta gal ah inuu dhaco

0
SHARE

Amaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay,iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Ciidamo isugu jira Nabad sugid iyo Boolis ayaa lagu kordhiyo xarumaha muhiimka ah ee Dowladda iyo isgoysyada laga soo galo Muqdusho iyo kuwa gudaha ku yaalo,kuwaasi oo si feejigan u baaraya gaadiidka iyo dadweynaha.

Waxaa laga cabsi qabaa in Xiisadda siyaasadeed ee hadda taagan isku bedeshay mid gacan ka hadal ah iyo mid qabaa’ileed oo la isku hub gurto.

Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida ayaa lagu amray iney amar adag siiyaan Ciidamada amniga kana shaqeeyaan sidii midnimada iyo Qaranimada u ilaali lahaayeen kana fogaadaan iney ku lug yeeshaan xiisada taagan.

Waxaa magaalada Muqdisho si aad ah looga dareemayaa Xiisada jirta,waxayna Shacabka si weyn u hadal hayaan Khilaaf iminka soo shaac baxay ee cirka isku sii shareeraya.

LEAVE A REPLY