XOG: Senator C/Qeybdiid oo Warqad Jawaab kaga dalbanayo MD Farmaajo weerarkii Gurigiisa...

XOG: Senator C/Qeybdiid oo Warqad Jawaab kaga dalbanayo MD Farmaajo weerarkii Gurigiisa lagu qaaday u gudbiyay

0
SHARE

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa warqad u qoray madaxtooyada Soomaaliya oo uu kaga dalbanayo in Jawaab rasmi ah laga siiyo cida ka danbeysa weerarkii dhawaan lagu qaaday Guri uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Baaritaan hordhac ah oo ay sameysay Dowladda ayaa lagu ogaaday in Ciidanka weerarka qaaday ay ka mid ahaayeen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo tababar casri ah ka helay Imaaraadka Carabta,balse lama cadeyn sababha loo weeraray iyo waxa laga damacsanaa.

Warar laga helayo illo ku dhow Senator C/qeybdiid ayaa inoo sheegay in Tallaabada uu warqada ku qoray ay tahay in Madaxda Qaranka gaar ahaan madaxweynaha kaga damacsan yahay inuu ogaado cida ka danbeysa weerarka gurigiisa lagu qaaday loogana garaabo khasaaraha Hantiyadeed ee weerarkaasi ka soo gaaray.

Guddi ay Dowladda u saartay baaritaanka weerarkaasi ayaa wax natiijo ah ka soo bixin baaritaanka ay sameeyeen,waxaana Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid tiro ka dhowr jeer uu Dowladda ka dalbaday in Jawaab laga siiyo Weerarka gurigiisa lagu qaaday.

30-ka bishii December 2017,ayay ahayd markii Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda baaritaan ay ku sameeyeen guriga Senator oo ah Xildhibaan Xasaanad leh loona dhacay gurigiisa isagoo aan lala socodsiin ugu yaraan.

Waxaana gabi ahaanba la isku dhex yaaciyay Allaabtiisa guriga,waxaana handadaad loo geystay Xaaskiisa iyo Gabar uu dhalay oo markaasi guriga ku sugnaa xoogna looga qaatay Talleefano ay gacanta ku heysteen.

LEAVE A REPLY