Sawirro:-Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan dadajinta Maamulka Oo Lagu Qabtay Caasimadda Galmudug

Sawirro:-Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan dadajinta Maamulka Oo Lagu Qabtay Caasimadda Galmudug

0
SHARE

Aqoon iswaydarsigaan lagu baranayo Maamul Daadajinta Bushada Rayinka ah ee Deegaanada Galmudug ayaa Maanta ka furmay Magaalada Dhusamareb waxaana ka Qaybgalaya 30 Qofood oo ka kala soda 7 Degmo oo ay ugu horayso Caasimada Galmudug waxaana iska kaashanaya Wasaarada Arimaha Gudamaha iyo Federaalka Soomaalia iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Macalin Axmed Cali Jicaaleb ayaa sheegay in Kulankan uu yahay Muhiim Bulshadu Baahi wayn u qabto waxa uuna ka soo qaybgalayaasha kula dardaarma inay waxaabaha ay ka faa’iidaan Deegaanada a ka yimaadeen dib ay ugula laabtaan.

Wasiiraka Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa waxa uu xusay in Shirarka Nuucaan ah la gaarsiin doono Deegaanada Galmudug si Dadka loo fahansiiyo Federaalka.

Ugu dambayn Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose iyo Xasilinta WasaaradaArimaha Gudamaha Soomaaliya Yaxye Cumar Xirsi ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qaybgalka Aqoon kororsigaan Bulshada Galmudug loo qabanayo.

Bulshada Deegaanada Galmudug oo loo qabto Tababaroda la xiriira MaamulWanaaga iyo Barashada Federaalaka ayaa waxa ay ka gacan siinaysaa ka qaybqaadashada Dhismaha Maamul Taya leh.

hoos ka daawo sawirrda

LEAVE A REPLY