Akhriso 12 Sano Kadib Meydkii Sadam Xusen oo la isku Haysto Meesha la Geyay

30kii December Sanadkii 2006dii waxaa Magaalada Baqdaad ee Xarunta Dalka Ciraaq lagu del delay Madaxweyinihii hore ee dalkaas Saddaam Xuseen,kaas oo dalka Ciraaq xukumayay muddo rubuc qarni ah.

Markii la del delay Saddaam Xuseen Sheekha Qabiilka uu ka dhashay ee Albu Nasser, Sheekh Manaaf Cali Al Nidaa ayaa codsaday in Meydka Saddaam lagu wareejiyo.

Waxaana Warqad ka soo baxday Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush lagu amray in marka la dilo kaddib si deg deg ah loogu wareejiyo ehelkiisa oo deggan Tuulada Al Awjah ee hoostagta Degmada Tikriit,halkaas ayaana lagu aasay.

Sanado badan kaddib waxaa ay hadda dood ka taagan tahay Meydkii Saddaam malaga bixiyay Qabrigii Al Awjah mise wali waa uu ku jiraa?

Saddaam Xuseen oo 69 jir ahaa ayaa horay uga dar daarmay in Tuuladaas lagu aaso marka uu geeriyoodo sidii ayaana loo yeelay.

Qabrigiisa waxaa sanad kasta booqda Taageerayaashiisii,waxaa hadda la isu diyaarinayaa booqashada Qabriga oo sanadkiiba mar la booqdo waxaana ay ku aaddan tahay 28ka Bishan April, oo ku beegan dhalashadiisii.

Dadka booqanaya maanta waxaa ay u baahanyihiin oggolaansho degaanka ah,Sheekhii Qabiilka Saddaam ee Sheekh Nidaa,waxaa uu u baxsaday ismaamulka Kurdistan,halkaas oo uu hadda ku noolyahay,waxaana maamulka ka taliya Tikriit ay dadka siinayaan oggolaansho lagu booqdo qabriga.

Dood badan ayaase ka dhalatay in uu Qabriga wali ku jiro iyo inkale waxaana arrintan ay soo baxday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladii gaarka ahayd ee Saddaam Xuseen uu sheegay in Meydka Saddaam ay Gabadhiisa Halaa u qaadatay dalka Jordan iyada oo ku qaadatay Diyaarad gaar ah.

Mas’uuliyiinta qaar ee Tikriit ayaa sheegay in Qabriga Saddaam uu wali halkiisii yahay kuna jiro,waxaana ay beeniyeen in la bixiyay,hase ahaatee Qoyska Saddaam ayaa isku dayaya in Qabriga Saddaam uu ahaado mid qarsan oo sidan ay dood uga taagnaato.

Laakiin Dadka deggan Caasimadda Baqdaad maba rumeysna in Saddaam dhintay,dadka aragtidaas qaba waxaa ka mid ah Abuu Samiir oo ka mid ah Dadka deggan Baqdaad,waxaa uu sheegayaa in uusan rumeysneyn in la dilay Saddaam walina noolyahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Xog Khilaafka Madaxda Galmudug oo cirka isku shareeray Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlmanka oo Cadaado ku Wajahan (Warbixin)
- May 26, 2018
Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray halkii ugu sareeyey, waxaana fashilmay wadahadaladii uga socday magaalada ...
Daryanka Hubka oo laga Maqlayo Tukaraq iyadoo Wafuud ka socota Beesha Caalamka ay kusii jeedo
- May 26, 2018
Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas ...
Madaxweynaha Galmudug Oo Ku Jira Wadatashiyadii Uu Ku Soo Magacaabi Lahaa Golihiisa Wasiirada
- May 26, 2018
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb ee ...
(Dhagayso) Dood Kulul oo Ku saabsan Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna
- May 26, 2018
Doodaan ayaa waxa ay kusaabsantahay qilaaf Dib uga dhex abuurmay Maamulka Galmudug Gaar ahaan ...
Daawo Sawirada Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano la socday oo Dib ugu Soo Laabaty Dhuusamareeb
- May 26, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed ducaalle Geelle Xaaf iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada ...
Xog la yaab Leh Shirkada Facebook oo Macaamiisha isticmaasha ka Dalbatay in ay la Wadaagan Sawiradooda oo Qaawan Maxay tahay Sababtu?
- May 26, 2018
Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa dadka waydiisanaysa sawirro ay qaawan yihiin, ...
Faransiiska oo Xir Xiray Basaasiin looga Shakiyay in ay la Shaqeynayeen Shiinaha
- May 26, 2018
Dawladda Faransiiska ayaa xabsiga dhigtay labo qof oo ka tirsanaan jiray laammaha sirdoonka ee ...
Madaxweyne Farmaajo ” waan awoodi weynay Joojinta dagaalka Tukeraq
- May 26, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta oo Jimco ah ka hadlay Masaajid ku ...
Wasaaradda Amniga oo War-Cad kasoo saartay Shilkii dhex maray Ciidamada NISA & Xildhibaan C/llaahi M. Nuur (Aqri)
- May 25, 2018
Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa War-cad kasoo saartay dhacdadii uu ku lug lahaa xildhibaan ...
Daawo Sawirada Qarax lagu weeraray Maqaayad ku taalla Magaalada Ontario ee dalka Canada
- May 25, 2018
Booliska dalka Canada ayaa sheegay in laba nin ay soo galeen maqaayad ku taalla ...
DAAWO MUQAALKA Lataliyihii Cali Khaliif oo Sir Badan Fashiliyey, Kana Hadlay Dagaalka Tukaraq isago yiri ,”Faysal Waraabe Shaqaale ayuu Ahaa Majeerteen Yuu Habaarin”
- May 25, 2018
Lataliyihii hore ee arrimaha bulshada iyo amniga madaxweynihii Khaatumo siyaasi Cali Cilmi Warsame (Cali ...
DAAWO-Hubkii iyo Gaadiidkii DAGAALKII TUKARAQ Laga Furtay Soomaaliland OO LA SOO BANDHIGAY
- May 25, 2018
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu hadda ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in gudiga ...
Qarax Lagu Hoobtay oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Benghazi., ,Wararkii u Danbeyay
- May 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa ...
Nin ka mid aha Raga ugu Sar sareya Ajaanibta la jooga Al-shabaab oo isdilay Maxay tahay Sababtu?
- May 25, 2018
Meeydka muwaadin Kenyan ah oo u dagaalamayay Al-shabaab ayaa laga helay kaam ku yaala ...
Dhageyso:-Galmudug Iyo Hir-Shabeelle Oo Ciidamo Kala Dhex Dhigay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Hiiraan
- May 25, 2018
Deegaanka Banyaaleey ee Gobolka hiiraan ayaa dhowr mar waxa ku wada dagaalamay laba maleeshiyo ...
>
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements