Daawo Sawirada Alshabaab oo Xilka ka Qaaday Sargaal Sare oo ka...

Daawo Sawirada Alshabaab oo Xilka ka Qaaday Sargaal Sare oo ka Tirsana (Akhriso Magaciisa)

0
SHARE

Maamulka Guud ee Al Shabaab ayaa xilkii ka qaaday Sheekh Xasan Yacquub Cali oo in ka badan shan sano ahaa Gudoomiyihii Al Shabaab ee gobolka Galgaduud, waxaana Gudoomiyaha gobolkaasi loo magacaabay Masuul cusub.

Munaasabad ka dhacday magaalada Ceelbuur ayaa looga dhawaaqay isbadalka lagu sameeyay maamulka Al Shabaab ee gobolka Galgaduud, waxaana munaasabadaasi xilka kula kala wareegay Gudoomiyihii hore ee Galgaduud iyo midka cusub .

Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid ayaa loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galguud u qaabilsan Al Shabaab, waxa uuna Abuu Khaalid balan qaaday in wax badan ka qaban doono gobolka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa maamusha Degmooyin badan oo katirsan gobolka Galgaduud, waxaana Al Shabaab gobolkaasi ku leedahay awood xoogan marka loo eego gobolada kale ee kooxdaasi kataliso.

LEAVE A REPLY