Ciidamada itoobiya ee joogay Dhuusa Mareeb oo ka baxay halkaasi kuwasi u...

Ciidamada itoobiya ee joogay Dhuusa Mareeb oo ka baxay halkaasi kuwasi u jiheystay….

0
SHARE

Habeenimadii Xalay waxaa  magalada Dhusamareb ee Casimada Galmudug kaguuray oo isaga baxay ciidamadii Ethiopia ee fariisinka ciidanka halkaa kulahaa sanadyadii ugu dambeeyay kuwaa oo udhaqaaqay dhanka degmada Guricel,balse dad aan kala xiriiray Guricel ayaa sheegay inay udhafeen dhinaca degmada Balanbal oo kutaal galbeedka Gobolka Galgaduud.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan la xiriirnay sidoo kale xaqiijiyey bixitaanka Ciidamada Itoobiya,oo Saldhigyo qaar ka guuray halka kuwo kale ay ku sugan yihiin.

Masuuliyinta ayaa waxa ay sheegeen in wax saameyn ah ku yeelan doonin ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dhuusamareeb,isla markaana ay ku filan yihiin ammaanka.

Ciidamada Itoobiya ayaa mudo ka badan 7 Sano waxa ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb,iyaga oo Ciidamada Ahlusunna ee la midoobay Galmudug kala qeyb qaatay dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

Arintan ayaa Waxa ay ku Soo beegan tay Xili Ciidamada Maamulka Galmudg iyoUrur Diimeedkii Ahlusuna Waljameca la isku daray iyadoona dad Badan ka Bixitaanka Ciidanka Ethopia degankaasi ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen

LEAVE A REPLY