Daawo Muwaadin Somali-Canadian Muddo 11-Sanno Ku Xirnaa Ethiopia Oo Dib Ugu Laabtay...

Daawo Muwaadin Somali-Canadian Muddo 11-Sanno Ku Xirnaa Ethiopia Oo Dib Ugu Laabtay Kanada

0
SHARE

Bashiir Makhtal Daahir oo 49-jir ah ayaa bishan April 18-dii laga sii daayey Xabsi ku yaalla Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, isagoo ku xukunaa Xabsi Daa’in.

Bashiir Makhtal waxa uu  xalay ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Pearson International airport  ee magaalladda Toronto ee dalka Kanada, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Qoyskiisa iyo Qareenkiisa, LORNE WALDMAN oo si gaar ah u sheegay inaysan jirin caddaymo muujinaya oo ay Ethiopia soo bandhigtay.

Wareysi uu siiyey Telefishinka Kanada ee CBS ayuu Qareenku ku sheegay inuu Bashiir Makhtal yahay Nin birri-ma-geyda ah, oo si sharci-darro ah u xirnaa.

Waxa uu intaasi ku daray in Isbedelka ka dhacay Ethiopia laga yaabo inay soo dedejisay Sii-daynta Bashiir Makhtal iyo Maxaabiis kale oo ku xirnaa Xabsiyadda Ethiopia.

Bashiir Makhtal waxaa Bbishii December 30-dii ee sannadkii 2006-kii lagu xiray magaalladda Nairobi, ee dalka  kenya,   xilli uu Socdaal Ganacsi ku  yimid Somalia, waxayna Ciiddanka Kenya ku wareejiyeen Dowladda Ethiopia sannadkii 2007-dii.

Maxkamad ku taalla magaalladda Addis Abeba ayaa Bashiir Makhtal la soo taagay sannadkii 2009-kii, waxayna Maamulayaasha Ethiopia ku soo eedeeyeen inuu xubin ka yahay Jabhadda Xorreynta Soomaalida Ethiopia ee ONLF.

Bashiir Makhtal awoowgiisa  ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Halgamayaasha Jabhadda ONLF ee dagaalka Gobanima-doonka ugu jirta sidii ay Xorriyad u heli lahaayeen Soomaalida ku nool dhulka Soomaali Galbeed ee ay Ethiopia xoogga ku haysato.

 

LEAVE A REPLY