(Daawo Sawirada )Akhriso Magacyada Shaqsiyaadka donaya in ay fadhiistaan Booski jawaari uu...

(Daawo Sawirada )Akhriso Magacyada Shaqsiyaadka donaya in ay fadhiistaan Booski jawaari uu ka Baxay

0
SHARE

Shan musharax oo u taagan qabashada kuriga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayay maanta diiwaan geliyeen Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo gelinkii dambe ee maanta la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay.

Musharaxixiinta maanta shahadooyinka la guddoonsiiyay waxay kala yihiin:-

1-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

2-Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

3-Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

4-Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

5-Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada musharaxiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin inay heystaan oo keliya maalinta ah beri ah.

Shanta xubnood ee maanta loo diiwaan geliyey tartanka doorashada gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa ku jira labo xubnood oo ka tirsanaa golaha wasiirada Somalia balse iska casilay ka dib markii guddiga doorashady ay sheegeen in qof xil wasiir haya uusan u tartameynin doorashada.

LEAVE A REPLY