Daawo Sawirada Masuulliyiinta Galmudug iyo Puntland oo Si Wadajir ah u Soo Dhaweyay Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug oo Safar Shaqo kadib Gaalkacyo Maanta ku soo Laabtay
HM“Xafiiska Gaalkacyo, Magaalada Gaalkacyo Waxa Maanta Dib ugu soo Laabtay Duqa Magaalada Gaalkacyo Xirsi yuusuf Bare , Waxana Soo Dhawayntiisa Maanta ka soo Qayb Galay Masuuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland oo uu ka Mid yahay Duqa Degmada Gaalkcyo Ee Dhanka Puntland Maxmuud Yaasin Tumay, iyo Sidoo kale Qabaha kala Duwan ee Bulshada Waqooyiga iyo Kpoonfurta Magalada Gaalkacyo
Markii ay soo dagtay Diyaaradii Siday Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Dhanka Galmudug , Waxa uu gacan Qaaday Bulshadii ku sugnayd Gudaha Garoonka kuwaasi oo maanta xili hore u tagay sidii ay uga Qayb Qaadan lahaayeen Soo Dhawanta Xirsi Yuusuf Bare Maayarka Magaalada Gaalkacyo
Duqa Degmada Gaalkcyo Ee Puntland Maxmuud Yaasin Tumay,oo saxaafada la Hadlay aya Shegay in Maamulada Labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ay diyar u yihiin iskaashi dhinac kasta ah waxana uu sheegay in soo dhawaynta maayarka maagalada gaalkacyo ee Dhanka Galmudug sida bulshada labada dhinac ay uga Soo Qayb Galeen Ay muujinayso Walalnimo iyo in Bulshada Labada dhinac ay diyaar u yihin in ay is dhax Galaan
Xirsi Yuusuf Bare Duqa Magalada Gaalkacyo ee Galmudug aya ka Mahad Celiyay Bulshada Labada dhinac ee iyagu ka so Qayb galay soo dhawayntiisa , Waxaana uu Balan Qaaday in uu ka Shaqayn Doono wadajirka Shacabka Magaalada Gaalkacyo
Ugu Danbeyn Waxa uu shegay intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho socdaalkiisii ay Wax Badan u soo Qabsoomeen isla markana uu rajeynayo in wax badan ay is badali doonaan dhawaan
Waa Markii ugu Horeyay ee ay Dhacdo sidan oo kale in Maayaarada labada dhinac ay muujiyaan Talaabo Nuucan oo kale ah oo ay ku muujinayan wadajirka bulshada labada dhinc , waxana bulshada magaalada Gaalkacyo ay maanta si wayn u hadal haysaa soo dhawayntii maayarka magaalada Gaalkacyo ee Labada dhinac masuuliyin ka socday ay ka soo qayb galeen taasi oo aan horay looga baran masuuliyiinttii xilalka iyaga uga horeeyay
Hoos ka Daawo Sawirada
Xafiiska Wararka Magaalada Gaalkacyo