Dayuurad rakaab oo Matoorkeedu qarxay iyadoo hawada ku jirta & Geeri ka...

Dayuurad rakaab oo Matoorkeedu qarxay iyadoo hawada ku jirta & Geeri ka dhalatay (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Southwest Airlines ee dalka Maraykanka ayaa gashay xaalad dagdag ah iyadoo hawada ku jirta ka dib markii baalka iyo injiinka diyaaradda ay waxyeello culus soo gaartay.

Haweeney qayb ahaan ka baxday daaqadda diyaaradan oo rakaab sidday ayaa geeriyootay ka dib markii uu saameeyey matoorka diyaaradda oo qarxay.

Diyaaradda si deg deg ag ayaa u caga dhigatay garoonka magaalada Philadelphia, iyadoo 7 ka mid ah rakaabkii saarnaa diyaaradda ay dhaawacyo soo gaareen.

Diyaaraddan oo ka soo duushay magaalada New York ayaa si dagdag ah u degtay, dab damiyayaasha ku sugnaa goobtaasna waxay sheegeen in ay arkeen shidaal daadanaya kaasoo waxyeello soo gaarsiiyey injiinka diyaaradda.

Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa rakaab gaaraya 143 qof iyo shaqaalaha ka howlgalayey diyaaradda.

Haweeneyda geeriyootay ayaa fadhiday daaqadda agteeda. Bir ka soo go’day matoorka ayaa jabisay daaqadda intii ay dayaaraddu duulaysay, taasoo keentay in haweeneydu ku sigato inay dayaaradda dibadda uga baxdo.

Dadkii dayaaradda saarnaa iyo shaqaalaha ayaa u gurmaday oo qabtay, waxayna dayaaraddu soo fariisatay ayadoo haweeneyda qayb jirkeeda ka mid ah uu banaanka uga baxsanaa dayaaradda.

Maamulka waaxda diyaaradaha ee dalka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaan ku aaddan dhacdadan oo argagax ku abuurtay rakaabkii la socday dayuuradaas.

LEAVE A REPLY