DHAGEYSO: Maamulka Galmudug oo ku baaqday in Gurmad deg deg ah ...

DHAGEYSO: Maamulka Galmudug oo ku baaqday in Gurmad deg deg ah la gaarsiiyo Baledweyne

0
SHARE

Maamul goboleedka Galmudug ayaa si deg deg ah ugu baaqay in Gurmad lala gaaro dadka ku dhibaateysan Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ,halkaasi oo ay ku dhufteen Daadad sababay in dadkii ay Magaalada ka barakacaan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo warbaahinta kula hadlay Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay door ka qaadan doonto Gurmadka loo fidinaayo dadkaasi.

Waxaa uu ganacsatadda iyo Qeybaha kala duwan  ee bulshadda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda ku dhuftay Magaalada Baledweyne.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in dhamaman ay Garoomadda Galmudug u furi doonaan Gargaarka loo waddo Hiiraan, islamarkaana Galmudug ay gaarsiin doonto Gargaarkaasi dadka dhibaateysan Maadaama ay biyo Fadhiisteen Garoonkii weynaa ee Beledweyne.

LEAVE A REPLY