DHAGEYSO: Maxaa ka jira in faragelin lagu haayo Guddiga doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka?

DHAGEYSO: Maxaa ka jira in faragelin lagu haayo Guddiga doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka?

0
SHARE

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa sheegay inay ka madax banaan yihiin faragelin kaga timaada Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in shaqada ay mareyso waqtigii ugu dambeeyay ee gaba gabada ah, maadaama maalinta berri ah ay qabsoomeyso Doorashada.

Gudoomiyaha ayaa beeniyay in faragelin lagu haayo Guddiga Doorashadda, waxana uu sheegay in ay shaqadooda u wataan si madax banaan.

11 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Maalinta berri ah ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dooran doonaan shaqsiga ay u xushaan inuu noqdo afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY