DHAGEYSO:-Shirka Qorshaha Horumarinta Galmudug Iyo Waxyaabaha Diirada Lagu Saarayo.

DHAGEYSO:-Shirka Qorshaha Horumarinta Galmudug Iyo Waxyaabaha Diirada Lagu Saarayo.

0
SHARE

Shirkaan oo looga hadli doono qorshaha horumarinta Galmudug oo  ka furmay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galaya aqoonyahno iyo madax katirsan Galmudug oo uu ka mid yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, waxaana sida qorshuhu yahay uu socon doonaa muddo afar maalin ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dawlad Goboleedka Galmudug C/xakiin Cali Guure ayaa ugu horyn ka hadlay furitaanka shirka waxaana uu sheegay in shirkaan oo la isugu yimaado ay ka dhigan tahay in Galmudug ay diyaar u tahay sidii ay ugu tashan laheyd wax soo saarkeeda xiligaan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa kula dar daarmay ka qayb galayaasha inay mideeyaan maskaxdooda ayna soo saaraan habkii Wasaaraduhu ku howlgali lahaayeen si horumar loo gaaro.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku dadaalayeen qabashada shirar iyo kulamo looga hadlayo Horumarinta Deegaanada Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY