Dhaq Dhaqaaq Ciidan oo ka Socda Degano Hoos Taga Gaalkacyo Kadib Markii...

Dhaq Dhaqaaq Ciidan oo ka Socda Degano Hoos Taga Gaalkacyo Kadib Markii Alshabab ay Halkaasi soo Weerareen

0
SHARE

Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa deegaanka Bacaadweyne ee dhaca koofurta gobolka Mudug halkaas oo ay soo gaareen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo watay gaadiid dagaal.

Al-shabaabkii soo gaaray deegaanka Bacaadweyne ayaa la hadlay odoyaasha dhaqanka ee deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah aan loo ogeyn waxa Al-shabaab ay u sheegeyn odoyaashaasi.

Sida uu soo sheegayo wariyeheena  gobolka Mudug, ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa rasaas meel dheer ah ugu soo riday Al-shabaabkii la hadlayay odoyaasha.

Intaas ka dib Al-shabaab ayaa dib ugu laabtay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Waxaana hadda deegaankaasi laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan, waxaana dadka deegaanka ay ka cabsi ka qabaan dagaal halkaas ka qarxo.

LEAVE A REPLY