Dhaq dhaqaaq Ciidan oo laga dareemayo duleedka Gaalkacyo & Ciidamadii ugu badnaa...

Dhaq dhaqaaq Ciidan oo laga dareemayo duleedka Gaalkacyo & Ciidamadii ugu badnaa ee Galmudug oo..

0
SHARE

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhaq dhaqaaqyada ayaa si weyn looga dareemayaa agagaarka deegaanka Bacaadweyn ee gobolkaasi.

Illo deegaanka ah ayaa sheegay in laga cabsi qabo dagaal, maadaama dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo gobolka Mudug.

Ciidamada Galmudug oo garab ka helaya Maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al Shabaab ayaa shalay ku dagaalamay Bariga gobolkaasi.

Waxaana weli xiisad u dhexeysa labada dhinac laga dareemayaa deegaanadii lagu dagaalamay.

Dhawaan ayey ahayd markii Galmudug ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulkaasi.

LEAVE A REPLY