Diyaarado Dagaal oo duqeyn culus ka fuliyay Degano Hoos taga Galmudug...

Diyaarado Dagaal oo duqeyn culus ka fuliyay Degano Hoos taga Galmudug iyo Howlgal socda

0
SHARE

Dayuurado dagaal ayaa la soo sheegayaa iney  duqeeyeen gaadiid loo malaynayo iney la socdeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayey meel u dhexeysa degmada Ceelbuur iyo degaanka Dac ee gobolka Galgaduud.

Sida wararku nagu soo gaarayaan dayuuradaha ayaa afar gantaal la helay labada gaari oo halkaas ku gubtay, waxaana ku dhintay dadkii la socday oo tiradooda rasmiga ah aan la ogeyn.

Goob joogayaal ku sugan tuulooyin ku dhow goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa sheegaya in duqeynta ka dib ay halkaas ku soo dageen ciidamo la socday dayuuradaha qumaatiga u kaca, iyagoo shiday nalal waaweyn.

Sidoo kale goobta uu weerarkan ka dhacay agagaarkeeda ayaa waxaa laga maqlayaa guuxa dayuurado weli dul wareegaya.

Lama oga illaa hadda Saraakiisha Al-shabaab ee la socday gaadiidkan la duqeeyey balse dadku nool tuulooyinka hareeraha ka xiga goobta duqeyntan ay ka dhacday ayaa sheegay iney soo wajahay cabsi aad u xoogan iyo khal khal, iyagoo ka walaacsan inuu saameeyo howlgalka halkaas ka socda.

Weli dowlad sheegatay iney dambeysay weerarkan ma jirto inkastoo Ciidamada Maraykanka ay sheegtaan inta badan duqeymaha noocan ah ee ka dhaca meelo ka mid ah Somalia, sidoo kale Al-shabaab iyo dowlada Soomaaliya midkoodna weli kama hadlin weerarkan.

LEAVE A REPLY